Faransiiska & Ingiriiska oo taageeray dagaalka Maraykanku ka bilaabay Ciraaq iyo Obama oo ka hadlay

Washington(Aftahannews):- Dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska, ayaa taageeray hawlgal Millateri oo uu Maraykanku ka bilaabay gudaha dalka Ciraaq, kaasoo ay Millateriga iyo Diyaaradaha kala duwan ee dagaalka ee Maraykanku shalay ku qaadeen deegaannada ay ku sugan yihiin Kooxda Islaamiyiinta ah ee ISIS ee dhawaan dawladda Islaamiga ah kaga dhawaaqday Ciraaq iyo Suuriya qaybo ka mid ah oo ay gacanta ku hayaan.

DIYAARADAHA MARAYKANKA EE CIRAAQ WEERARAYPOLITICS+G_351  Cameron-Obama-Hollande

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama oo Subaxnimadii Sabtida Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ee Magaalada Washington ee dalkaas looga taliyo, ayaa sheegay inuu la xidhiidhay Madaxweynaha Faransiiska France François Hollande iyo Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron, kuwaasoo uu sheegay inay soo dhaweeyeen hawlgalka ay ka bilaabeen Ciraaq.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa sheegay in weerarro duqeyn ah oo shalay Ciidammada Mareykanku ka bilaabeen Ciraaq oo ka dhan ah Islaamiyiinta ISIS ay socon doonaan wakhti toddobaad ka badan oo aanay joojin doonin. Maleeshiyada Dowladda Islamiga ah ee Ciraaq iyo Syria ayaa qabsaday inta badan waqooyiga dalka Ciraaq iyagoo hareereeyay magaalooyin badan oo aanay weli gelin.

“Ciidammadeenna ayaa duqayn ka geystay bannaanka magaalada Irbil, hawlgalkaasina illaa iyo hadda waa kuwo lagu guulaystay, waa sii socon doonaa hawlgalkaasi oo waannu sii wadi doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka oo sharraxayay hawlgalka Ciidankiisa iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka geysteen deegaannada ay ku sugan yihiin Kooxda Islaamiyiinta ah ee Daacish ee ay shalay duqeeyeen.

Waxa uu Obama oo sii hadlayey sheegay in ay gargaar garab-wadeen Ciidanka Maraykanku dagaalka ay ka fuliyeen Waqooyiga Ciraaq, waxaanu yidhi; “Dedaalladeenna bina-aadaminnimo waxay sii wadaan inaan ku caawinno dad rayid ah oo isugu jira Carruur, Haween iyo dad waayeel ah Buurta Sinja ee Waqooyiga Waddanka Ciraaq, illaa iyo hadda waxay Ciidammada Maraykanku laba Jeer Hawada uga daadiyeen Cunno iyo Biyo, waanan sii wadaynaa Caawimada Ciidammada Amerikanku ka wadaan Waqooyiga Ciraaq.”

Obama waxa uu sheegay inuu Subaxnimadii Sabtida ee Saaka xidhiidh la sameeyey Raysal-wasaaraha Ingiriiska iyo Madaxweynaha Faransiiska oo ay taageereen, waxaanu yidhi; “Saaka waxaan la hadlay Raysal-wasaaraha Britain iyo Madaxweynaha Faransiiska, waxay labadooduba soo dhaweeyeen tallaabada aannu qaadnay, waxaanay ii sheegeen inay doonayaan inay ku soo biiraan hawlgallada iyo Caawimada Maraykanku u fidinayo dadka dhibaataysan ee reer Ciraaq.”

Waxa uu ku hanjabay inay Maraykanku awood u leeyihiin inay dagaal ku xalliyaan dhibaatooyinka ka taagan waddanka Ciraaq. “Waan fulin karnaa duqayn Millateri oo waqti kooban wax lagu wiiqi karo oo lagu xallinayo dhibaatada Ciraaq ka jirta, Ciidammo hawshaasi ku firfircoon oo ku fiican aqoonteedana leh waan haysannaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Marakaynku Brack Obama.

Madaxweyne Obama oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Laakiin, in xal waara laga gaadho oo la helo dawlad ay leeyihiin dadka reer Ciraaq oo ay Maraykanka iyo Xulufadiisuna taageero u fidiyaan. Hase ahaatee, taasi waxay ku xidhan tahay dadka reer Ciraaq iyo ilbaxnimadooda. Xalka rasmiga ah laguma gaadhi karo hawlgal Millateri, balse xalka kama dambaysta ahi waxa u uu yaallaa dadka reer Ciraaq oo gacmaha is-qabsada.”

Duqeynta Mareykanka ayaa timid ka dib markii Kooxda Islaamiyiinta ah ay ku dhawaatay magaalada Irbil oo xarun u ah Kurdiyiinta Ciraaq, halkaasoo uu Mareykanku uu qunsuliyad ku leeyahay, xarunta dhexe ee howlgalka wada-jirka ee Ciidmada Ciraaq iyo Mareykankana ay ku taalo.

Millateriga Maraykanka iyo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drowns-ka loo yaqaanno iyo diyaaradaha kale ee aadka u dheereeya ee dagaalka, kuwaasoo dhawr jeer oo kala duwan Jimcihii shalay duqaymo ka geystay deegaannada ay deggan yihiin Islaamiyiinta Daacish ama ISIS ee ku yaalla Waqooyi-Galbeed ee dalka Ciraaq.

Dadka ay Siyaasaddoodu u janjeedho dhinaca Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka, ayaa ku doodaya inaanu Madaxweyne Obama ka fiirsan hawlgalkan uu bilaabay, isla markaana ay hawlgallo Millateri oo uu Maraykanku mar labaad ku galo ama ka geysto gudaha dalka Ciraaq tahay mid aan faa’iido ku jirin, isla markaana dhaawacaysa Sumcadda Madaxweyn Obama.

Waxay sidoo kale, dadka Siyaasadda Maraykanka iyo Bariga dhexe falanqeeyaa ku doodayaan inaanu Madaxweyne Obama aad uga fikirin, isla markaana waxba aanu iska weydiin khatarta ka iman karta kooxaha Islaamiyiinta xag-jirka ah ama mintidka ah ee Ciraaq, markii uu gaadhay go’aankii uu dalkaas kaga saaray Ciidammadii Maraykanka ka joogay.

Waxaana Maraykanka dagaalkii Ciraaq uu ku galay sannadkii 2003-dii ee lagu riday dawladdii uu hoggaaminayey Madaxweynihii Ciraaq ee Saddaam Xuseen, halkaas oo ay Maraykanka iyo Xulufadiisu xoog ku galeen, isla markaana uu Maraykanku markii dawladdaas la riday ka dib xukun daldalaad ah ku khaarajiyey Madaxweynihii Ciraaq Marxuum Saddaam oo god hoostii isagoo ku dhuumanaya gacanta ay ku dhigeen markii dawladdiisu burburtay ka dib.

Cabdifataax I. Mursal

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somlailand.