Dhimasho ka dhalatay Al-Shabaab oo Qarax la eegatay Baabuur ay Ciidanka AMISOM leeyihiin

Ruusiya(Aftahannews):- Haweeney ayaa ku geeriyooday Qarax ay Kooxda Al-Shabaab u dhigtay mel waddo ah Baabuur ay leeyihiin Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo ay qaraxaas kula eegteen maanta Xaafadda Ruusiya oo ka tirsan degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya.

201489635431806651294762Marko_Somalia

Al-shabaab-131dddd

Qaraxan oo ahaa mid jidka dhinaceeda lagu qariyay ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada AMISOM, isagoo bur-bur xooggan gaarsiiyay gaariga, balse lama oga khasaaraha ciidanka kasoo gaaray qaraxan.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Marka ayaa warbaahinta u sheegay inay ku dhimatay haweeney ka mid ahayd dadka xaafadda Ruusiya, balse aysan jirin qof kale oo shacab ah oo wax ku noqday qaraxa.

“Baabuur ay ciidamada AMISOM wateen ayaa qaraxa lala eegtay, waxaana ku burburay gaari ka mid ahaa kolonyadii AMISOM oo ahaa midkii uu qaraxu haleelay. Haweeneyda geeriyootay ayaana arkay,” ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxan, isagoo ka mid noqonaya qaraxyo dhowr jeer ciidamada AMISOM lagula eegtay deegaannadii laga qabsaday Xarakada Al-shabaab, inkastoo aysan weli AMISOM ka hadlin qaraxa maanta ciidamadooda lagula eegtay degmada Marka.

“Ciidamada AMISOM rasaas fara badan ayay afarta jiho u fureen qaraxa kaddib, balse ma jirto cid wax ku noqotay,” ayuu yiri goobjooge kale oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan degmada Marka.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa haddana waxaa looga bartay qaraxyada noocan oo kale ah xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Degmada Marka oo 90-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii Al-shabaab laga qabsaday sanadihii lasoo dhaafay, waxaana gacanta ku haya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Geesta kale, Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegtay in weerarkii ay xalay ku qaadday degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay labada dhinac uga dhinteen 18-qof.

Afhayeenka Al-shabaab, Sh. Cabdicasiis Abuu-Muscab oo la hadlay AFP ayaa sheegay in xoogaggoodu ay xalay saqdii dhexe weerarro ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Buulo-burte ku leeyihiin.

Abuu-Muscab ayaa sheegay in dhankood ay dagaalkii xalay uga dhinteen shan ruux, iyadoo dowladduna ay sheegtay inay dishay lix ka mid ah xooggagga Al-shabaab. “Weerarka waxaan ku dhintay sagaal ka tirsan ciidanka AMISOM, afar kuwa Soomaalida ah iyo shan ka mid ah xoogaggeenna.” ayuu yidhi Abuu Mascab oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.