Waa Maxay Xaddiga Xoolaha, Xogta iyo Xidhiidhka uu dalka kula soo laabtay Wasiir Xirsi?

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xubno weheliya oo dabayaaqada Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan tegay Cibrada, isla markaana kulammo la soo yeeshay Xubno ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga, ayaa maanta ku soo laabtay dalka, isla markaana waxa uu sheegay inuu xog, xidhiidh iyo xoolaba sido.

WASIIR XIRSI

Waxa uu Wasiirka oo markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa kula hadlay Warbaahinta qolka nasashada ee Madaarka, waxaanu ka warbixiyey xaddiga lacageed ee ay dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Sucuudiga ugu soo deeqeen dhismaha Waddada Ceerigaabo, Xogta waxyaabaha ay ka wadahadleen xubnaha ay kulmeen iyo xidhiidh cusub oo uu sheegay inay la bilaabayaan Sucuudiga.

Muuqaalka Wasiir Xirsi kaga hadlayo arrimahaas kala duwan ka daawo halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.