Muran ka dhashay Daanyeer isagu isa sawiray!

Barta internetka ee Wikipedia, ayaa diiday dalab uu u soo jeediyay sawir-qaade codsaday in ay websitekooda (shabakaddooda) ka saaraan tiro Sawirro Daanyeer.

Daanyeer

Waxay ku doodayaan in sawiradaas uu iska qaaday daanyeeerku oo cidna aysan sawirkaas lahayn. Laakiin David Slater oo ah sawir qaade British ah ayaa sheegay in isagu uu leeyahay sawiradaas maadaama uu daanyeerku adeegsaday kameerad uu isagu leeyahay.

Slater ayaa sheegay in daanyeerku riixay ama uu nabay kaameradiisa meesha loogu talagalay in la riixo marka sawirada la qaadayo.

Wikipedia waxa ay rumaysan tahay in inkasta oo sawirradaas lagu qaaday kameradda Slater, haddana uusan lahayn xuquuqda sawirkaasi maadaama uusan sawirqaaduhu gacantiisa ku qaadin.

Kathren Maher oo ah Afhayeen u hadashay Wikimedia Foundation ayaa sheegtay in sharciga Maraykanku uu dhigayo in qofina uusan lahayan xuquuqda sawirkaasi.

Xigasho BBCSomali.com.