Xildhibaanno Golaha Deegaanka Hageysa ka tirsan oo eedayn culus u jeediyey Wasiirka Ciyaaraha

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa Masuuliyiinta Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska  Somaliland ku eedeeyey inay sifo-sharciga ka baxsan iyo dano-gaar ah u isticmaalayso dhul dan guud ah oo loogu talo-galay in laga dhiso Garoon ay dhalinyaradu ku ciyaarto oo ku yaalla Waaxda Xaafadda Macallin Haaruun oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, waxaay shaaciyeen inaanay Gole Deegaan ahaan aqbali doonin tallaabada ay Wasaaraddaasi qaadayso ee ay dhulka ku lunsanayso.

Mudanayaashaas oo kala ahaa labada Xildhibaan ee Axmed Cali Haybe iyo Ilyaas Aw Jaamac Xuseen oo ka tirsan 25-ka Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa, ayaa arrintaan iyo arrimo kaleba waxay kaga hadleen Shir Jaraa’id oo ay maanta si wada-jir ah ugu qabteen Xarunta dawladda hoose ee Hargeysa. Waxaanay Masuuliyiinta Wasaaradda uga digeen inay dib uga laabtaan ku-takri-falka Dhulka danta guud ee loogu talo-galay Garoonka, kaasoo ay dhawaan dawladda hoose ku wareejisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Waxay sidoo kale, labada Xildhibaan ka hadleen Boob ku waajahan labada Buurood ee Naasa-Hablood ee Duleedka Waqooyi-Bari ee Hargeysa ku yaalla, kuwaasoo Astaan u ah Caasimadda dalka iyo weliba dawladda hoose ee Hargeysa, isla markaana ay sheegeen inuu ka yaallo Sharci ay hore u baahiyeen Golaha Deegaanku oo dhigaya inaan loo dhaafi karin labadaas Buurood Kun iyo Laba Boqolo oo Mitir, ciddii u dhaaftana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan sida ay ku doodeen.

Haddaba, Muuqaalka Shirkaa Jaraa’id ee ay labada Xildhibaan qabteen oo ay arrimahaas iyo kuwo kale si adag ugaga hadlayaan waxaannu idiinku soo gudbinaynaynaa halkan hoose ee Daawasho wanaagsan:

Halkan Hoose Guji si aad u daawato Muuqaalka Shirkaas Jaraa’id.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.