Faysal C. Waraabe oo ka sheekeeyey Wiil uu dhalay oo Islaamiyiinta ISIS ku biiray & qaabka uu u galay Kooxdaas

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa caddeeyey in Wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Xuseen Faysal Cali uu ka mid noqday, isla markaana ku biiray Kooxda Islaamiyiinta ah ee ka dagaallanta qaybo ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Suuriya ee ISIS ama Daacish, ka dib markii uu baxsaday horraantii sannadkan.

Faysal-Cali-Waraabe1

WIILKA UU DHALAY FAYSAL CALI WARAABE140726145450_isis_syria_512x288_bbc_nocredit

Wiilkaan oo magaciisa saxda ahi yahay Xuseen, ayaa magiciisa beddelay, isla markaana la baxay Abuu-Shucayb Al-Somali, sida uu ku sheegay Cajalad Muuqaal ah oo ay Kooxda Daacish duubtay, isla markaana ay ugu talo-gashay baahinteeda Ciidul-fidrigii, taasoo la sheegay inay duubeen maalmihii u dambeeyey ee Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Xuseen Faysal Cali (Abuu-Shucayb Al-Somali) waxaa uu Muquulkiisa ku sheegay inuu ka yimi dalka Finland si uu ugu biiro Kooxda Daacish ee ISIS ee dagaallada ka wadda dalalka Ciraaq iyo Suuriya. “Waxaan halkan (Ciraaq) u imid inaan ku biirro Kooxda Daacish, waxaanan kazoo hij-rooday dalka Finland.” Sidaa ayuu ku yidhi Xuseen Faysal Cali hadal kooban oo ku dhex-jira Muuqaalka laga duubay isaga oo saaran Faras sida Muuqaalkaas laga dheehday.

“Horto, Wiilku waa Wiilkaygii Allaah mahaddii, wuxu ku dhashay dalka Finland 1992-kii, markaa saddexdii sano ee u dambaysay ayuun buu inankaasi Salaadda iyo Diinta bilaabay, Masaajidkuu ku mashquulsanaa. Markaa, anigu waaban ku faraxsanaa Wiil dhalinyar ah oo Yurub jooga oo Diinta u jeestay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee ugu da’da wayn Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland ka jira Eng. Faysal Cali Waraabe oo laba jeer u tartamay jagada Madaxweynennimada Somaliland, balse aan ku guulaysan.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi ay Maanta Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo ka waraysatay in Wiilkaas Muuqaalka Kooxdaas ISIS soo duubtay uu yahay Wiilkiisa iyo in kale, waxaanu intaa ku sii ladhay Faysal oo uu yidhi; “Mar uu Garoowe tegayey anigoo Finland jooga ayuu igu yidhi; ‘waxaan ku socdaa Mandheera oo ay Xaaskiisa reerkoodu degenyihiin, dabaddeed waan ka shakiyay,waxaan la soo hadlay Sirdoonka Somaliland, waxaana lagu qabtay Laascaanood oo ay muddo ku xidhnaayeen.”

“Muddo markii uu halkaa ku xidhnaa waxaan u soo dhoofinay dalka Finland oo qoysku degenyahay, Bilayska Finland ayaan ku war geliyay oo aannu ka wada shaqaynayn sidii loo ilaalin lahaa, annagoo ka codsaday inaan Pasport-ka loo cusboonaysiin, balse way diideen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in markii ugu war dambeysay  uu tegay dalka Turkiga “Wax yar markuu joogay wuu tegay, halkaasaa ugu war dambeysay, laakiin-se intii uu Suuriya joogay wax xidhiidh ah anigu lamaan samayn, laakiinse way wadahadlayeen qoyska dad ka mid ah oo Facebook-ayuu kala soo xidhiidhi jiray.”

Faysal ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono sidii wiilkiisu ugu soo laaban lahaa gacantiisa, isagoo ku andacooday in baxsadkiisa ay sababtay dayac ku yimi oo dhanka Waalidka ah, waxaanu yidhi; “Illaa 1992 waxaan la daaladhacayay arrimo siyaasaddeed oo Hooyaddood ayaa la daalaa-dhacaysay Carruurta, waxaana sababay uun ayaan isleeyahay kaalintii Waalidka ee waliba dhanka Aabbaha ahayd oo uu waayay.”

Wiilkan ayaa sannadkii 2013-kii la waayey oo ka baxsaday magaalada ay Qoyskoodu ka deggan yihiin dalka Finland, hase-yeeshee, waxa bilo ka dib lagu arkay magaalada Hargeysa isaga iyo Gabadh ay is-guursadeen oo si dhuumasho ah ku jooga Hargeysa, kaasoo uu Faysal Cali Waraabe sheegay inuu markii Hargeysa lagu ogaaday gurigiisa Hargeysa la geeyey, isla markaana uu ilaaladiisa ku ballamiyey inay ilaaliyaan, hase-yeeshee uu ka baxsaday goor salaad hore ah, ka dibna baadi-doon lagu ogaaday markuu marayey Burco, ka dib laga soo qabtay gobollada Bari ka xiga Burco.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.