Ciidammo la wareegay Xarunta TV-ga Puntland ee Garoowe oo lagu guulaystay in laga saaro

Garoowe(Aftahannews):- Koox Ciidan hubaysan iyo Saraakiil isugu jira oo ka tirsan Ciidammada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo gelinkii hore ee maanta si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta Xarunta Telefeshinka Puntland ee ay dawladda Maamul-goboleedkaasi Maamusho, ayaa lagu guulaystay in laga saaro xarunta TV-ga ee ay la wareegeen saaka, ka dib markii ay dhinacyo kala duwani ka hawlgaleen ka bixistooda.

bth_Breaking-News

Koox Ciidammo hubaysan ah, ayaa si xoog ah ula wareegay xarunta Warbaahinta dawlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe oo uu ku yaallo Telefeshinka sannad-jirka ah ee Maamulkaas, kuwaasoo aan illaa hadda si rasmi ah loo caddaynin ujeeddada ku kalliftay inay la wareegaan xaruntaas.

Agaasimihii hore ee Telefeshinka Puntland TV Axmed Kismaayo oo ah Weriyihii hore ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u joogi jiray Puntland oo shalay laga qaaday xilka uu TV-gaas ka hayay, ayaa xaqiijiyey in Ciidammada Telefeshinka Puntland la wareegay ay yihiin Ciidammo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidammada Maamul-goboleedka Puntland, kuwaasoo ka gedooday Masuuliyiin u dhashay gobolka Nugaal oo xilal ay hayeen laga qaaday.

Waxa uu Agaasimihii hore ee Puntland TV sheegay Kooxdaas Ciidammada Puntland ka tirsan ee gedoodsani ay isaga iyo Hawl-wadeennada kale ee Telefeshinka ay gelinkii hore ee maanta ugu soo galeen Xarunta Telefeshinka, isla markaana ay ku amreen inay xarunta iyo TV-ga-ba la wareegeen, isla markaana ay ku amreen inay dibedda uga baxaan Kaamboolka TV-gu ku yaallo ee magaalada Garoowe, sidaasna ay kaga baxeen.

Weriye Axmed Maxamed Cali (Axmed-Kismaayo) oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo weydiisay lugta uu ku leeyahay Ciidammadaas iyo Saraakiishaas Ciidanka Puntland ka tirsanaa ee xarunta TV-ga uu Agaasimaha ka ahaa ee shalay xilkiisa laga qaaday inay hawlgalkaas sameeyaan, ayaa ku dooday inaanay jirin haba-yaraatee wax lug ah oo uu ku leeyahay hawlgalka ay Ciidammadu halkaas kula wareegeen.

“Aniga Digreeto Madaxweyne ayaa la iigu magacaabay Agaasimaha Telefeshsinka Puntland, waxaanay ahayd go’aan Madaxweyne, haddana digreeto Madaxweyne ayaa xilka la igaga qaaday shalay, iyadoon si kale loo dhigin, waa go’aan Madaxweyne waana lagu qasban yahay in la hirgeliyo.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Kismaayo oo la weydiiyey sida uu u arko xil-ka-qaadistiisa maaddaama oo ay Ciidammada Xarunta TV-ga qabsaday ka gedoodsan yihiin xilka-qaadista Masuuliyiin uu ka mid yahay Kismaayo ahaan.

Axmed-Kismaayo waxa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka Puntland ee Garoowe ku sugan iyo Masuuliyiin kala duwan oo dawlad-goboleedka Puntlad ka tirsan, Ganacsato iyo Culimada Diinta iyo Saraakiisha kale ee Ciidammada Puntland isla maantaba ka hawlgaleen sidii ay xiisadda u demin lahaayeen, isla markaana ay kulan iyo wadahadal la bilaabeen Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidammada la wareegay TV-ga Puntland, kulankaas oo illaa galabta socday.

Hase-yeeshee, wararka kale oo Aftahannews ka helayo magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe, in kulankaas lagu gaadhay is-afgarad, isla markaana Saraakiisha Ciidankaa TV-ga la wareegay lagu qanciyey in tabashadooda wax laga qabanayo, dawladduna diyaar u tahay inay wax ka qabato, balse ay hadda si nabadgelyo ah uga baxaan xarunta TV-ga ee ay la wareegeen, taasna ay aqbaleen sida ay sheegayaan wararka Aftahannews ka helayo Garoowe.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.