Nin Madax-furasho Hargeysa ugu haysta Xawayaanka Jiirka, Baaqna u diray Caalamkana!

Hargeysa(Aftahannews):- Wuxuu u cadhaysnaa sidii qof Tuug wax ka xaday oo gacanta ku dhigay kii xaday oo kale. Dagaal-na kuma yarayn, laakiinse waa cadho aan garowshiyo lahayn oo ka dhalatay dhaawac aan magdhow lahayn oo ka soo gaadhay ma yeedhaan.

jiir

Caydaruus, waa Nin Dhalinyarada dhawaan xaasaysatay ka mid ah oo ku nool magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, waana Wiil xoogsade ah, sida uu sheegay. Waa Nin Xaasley ah oo xooggiisa ka masruufa Qoyskiisa. Caydaruus ayaa sheegay inuu khasaare dhaqaale u geystay Xawayaanka Jiirka loo yaqaanno ee ka midka ah Xawayaannada Guryaha ku dhasha.

2-dii Bishan August ayuu sheegay in Jiir ka cunay Lacag Boqol Doollarka Maraykanka ah oo ahaa Laagtii Biilka ee uu Bishan ugu talo-galay Qoyskiisu inay Masaariifaystaan sida uu sheegay, taasoo fajac iyo amakaag ku beertay, isla markaana geyisiisay inuu si adag uga cadhoodo khasaaraha Jiirku u geystay iyo Masruuf la’aanta Qoyska soo food-saartay wakhti bil bilawgeed-ba la joogo.

LACAG JIIR CUNAY

Caydaruus ayaa intaas ku daray in cadhada uu ka qaaday Khasaaraha uu Jiirku u geystay ay ugu wacnayd, dhacdadan oo ku beegantay xilli culays dhaqaale ka soo fuulay kharashaadkii Ciida iyo Bishii Ramadaan ka baxay. “Waa Ciid, waxa laga soo baxay Ramadaan, wax allaale wax uu garanayaa ma jiro, wuu iska cunay uun lacagtii oo Kabadhka ku jirta.” Sidaa ayuu yidhi Caydaruus oo u warramay Gobanimonews oo aannu warkan ka soo xigannay.

Waxaanu intaas raaciyay oo uu yidhi; “Saddex Boqol oo Dollar ayay ahayd, konton ayay xaafadu soo sarifatay, intii kale siday Kabadhka ugu jirtay  ayuunbaan aragnay iyadoo jiir cunay oo googo’aayari ka soo hadhay, intii kalena wuu cunay. Cadhada iga haysa ma dishaa baan isleeyahay mise waxaad u haysataa madax-furasho!.”

“Imminka Jiirkaa waan hayaa wax allaale waxaan ka yeello garan maayo. Maxkamad ayaan la tiigsan lahaa haddaan helayo meel looga dacwoodo. Qaramada Midoobay qaybta Xawayaanka qaabbilsan waxaan u sheegayaa in bahalkaa nala soo kala gaadho, inta nala soo kala gaadhayana waxaan u haysanayaa Jiirkaa Madax-furasho.” Sidaa ayuu yidhi Caydaruus oo sheegay inay ahayd markii ugu horraysay ee arrintan oo kale ku dhacdo.

Hase ahaatee, Ninkan ayaa gadaal ka sheegay in waxan dhacay qadar Alle ku yimi oo ay tahay inuu ka samro. Laakiin-se waxa uu ka digay waxyeellada uu qoysaska u geysan karo Xawayaankan Guryaha inta badan kula nool dadka, kaasoo gabbood ka dhigta meelaha ili ma qabatinka ah ee Guryaha, isla markaana jikada iyo goobaha weelka la dhigo habeenkii baadha.

Xawayaanka loo yaqaanno Jiirka ayaa dadka qaar u yaqaanaan Tuug Guriga kula nool dadka, waxaanu allaabooyinka yar-yar, sida dahabka, lacagta iyo qalabka kale ee aadka loo xafiddo, kuwaasoo uu cadow u yahay, aadna looga ilaaliyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.