Dagaal u dhexeeya Maamulka Juballand iyo Al-Shabaab oo ka socda Duleedka Ksimaayo

Kismaayo(Aftahannews):- Wararka ka imaanaya gobolka Jubada-hoose ayaa sheegaya in dagaal aad u xooggan oo u dhexeeya ciidamada maamulka kumeel gaar ka ee Juba iyo kooxda Al-shabaab uu ka socdo.

100103123633_somalia_fight_512

Dagaalka oo maalintii labaad ka socdo deegaanka Cabdilla-Biroole ayaa la sheegayaa inuu ka bilawday geel sako ah oo Al-shabaab ay doonayeen inay ka qaadaan dad reer miyi ah.

Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in dad xoolo dhaqato ah inay ladagaaleen Al-shabaab kaddib markii ay diideen inay bixiyaan xoolaha ay Shabaabka weydiisteen.

Ciidamada maamulka Juba iyo kuwa AMISOM ayaa shalay ku biiray dagaalka kaas oo illaa iyo hadda ka socdo deegaanka Cabdilla-Biroole oo dhanka galbeed 50km kaga began magaalada Kismaayo.

Dhimasho iyo dhaawac lama soo sheegin illaa iyo hadda, laakiin waxaa lagu warramayaa in dad badan ay ka qexeen goobta uu dagaalka ka socdo.

Xigasho BBCSomali.com.