Qaramada Midoobay oo Walaac ka muujisay Ugaadhsiga Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa walaac xooggan ka muujisayey dilalka is-daba-joogga ah ee ay Malleeshiyada Al-Shabaab u geysanayso, isla markaana ku ugaadhsanayso Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Xildhibaankii saddexaad tan iyo bishii Ramadaan Jimcihii maanta (Shalay) lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

NICHOLAS KAY

Ergayga gaarka ah ee ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay dilalka loo geysanayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo si adag u cambaareeyay dilkii Jimicii Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Deer oo Mudanayaasha Baarlamaanka ka tirsanaa, isla markaana ahaa Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Maaliyadda ee Golahaas.

Xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer, ayaa waxaa lagu toogtay Xamar-weyne oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana toogtay saddex ruux oo bastoolado ku hubeysan xilli uu kasoo baxay masjid uu salaaddii Jimcaha kusoo tukaday.

“Dilka Sheekh Mad-deer waa arrin aad looga walaaco. Dilalka lagu hayo  Xildhibaannada Baarlamaanka waa isku day lagu doonayo in lagu cabsi-geliyo, xilli ay ka shaqeynayaan si ay u dhisaan Soomaaliya oo sidii hore ka wanaagsan wakhtigan. Kooxaha dilalkan geysanayanaa kuma guuleysan doonaan hadafkooda.” Sidaa ayuu yidhi Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Mr. Nicholas Kay.

Danjire Nicholas Kay oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxaan ku ammaanayaa gebi ahaan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya geesinnimada ay ku shaqeynayaan iyo dedaalkooda ay wadaan iyagoo weerarro ay ku socdaan. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto howsha Muhiimka ah ee uu hayo Baarlamaanka Soomaaliya.”

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya waxa uu ku baaqay in Kooxihii geystay dilka Xildhibaan Sheekh Mad-deer iyo kuwii ka horreeyay-ba la soo qabto lana horkeeno Sharciga iyo Caddaaladda, isagoo ku tilmaamay dilkan mid fulaynimo ah, kaasoo ay masuuliyaddiisa sheegatay Malleeshiyada Al-Shaab.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.