Cabdiraxmaan-Cirro oo si adag ula hadlay Xukuumadda Siilaanyo, kana warramay qodobbo Muhiima

“Waxba ka sheegi maayo Wasiir Cukuse Shaqsiyaddiisa. Laakiin, muddo-kordhinta Shacbiguna ma oggola, caalamkuna ma oggola..Qabashada doorasho kasta waxa xil ka saaran yahay Xukuumadda..Maalinta ay doorashada Golaha Wakiillada qabato aniga iyo Goluhuba diyaar baannu u nahay inaannu Ammaanada Shacabka ku celinno..” Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Talo Qaran laga yeesho waxa laga yeelayo Guddiga doorashooyinka ee hadda shaqeeya oo wakhtigoodu dhammaaday, isla markaana waxa uu ka hadlay inaanay caalamka iyo shacabka Somlailand midna oggolayn muddo-kordhin iyo dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka qorshuhu yahay inay Somaliland ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka haddii ILLAAHAY yidhaahdo.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo Maanta oo Jimce ahayd dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhammaystay Safar uu tan iyo 25-kii Ramadaan ku joogay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa markii uu maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa Warbaahinta ugu warramay qolka nasashada ee Madaarka, waxaanu ka warbixiyey Kulammo uu la yeeshay Madaxweynaha iyo dawladda Jabuuti iyo Diblamaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Jabuuti.

Waxa kale oo uu Guddoomiye Cirro, halkaas kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen Weriyeyaasha ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland, kuwaasoo ku saabsanaa ujeeddada socdaalkiisa, xuduudaha ay Somaliland la wadaagto Itoobiya iyo Jabuuti ee wali xidhan, waxay ka wadahadleen Madaxweynaha Jabuuti iyo Diblamaasiyiinta uu la kulmay, jawaabaha uu ka bixinayo weerar uu Wasiir Cukuse ku qaaday Cirro ahaan, cadaadis Xisbiga WADDANI ay Xukuumadda Siilaanyo ku hayso iyo weliba qodobbo kale.

Haddaba, Guddoomiye Cirro oo qodobbadaas iyo kuwo kale oo xiiso badan kaga hadlay Shirkan Jaraa’id ee uu garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ku qabtay markii uu maanta halkaas ka soo degay ka dib, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hooso ee Daawasho Wacan.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.