Mucjiso Cajiib ah!: Wiil yar oo Afkiisa laga soo saaray 232 ilig!

India(Aftahannews):- Dhakhaatiirta dalka Hindiya ayaa afka wiil yar oo 17 sano jir ah ka soo saaray 232 ilkood. Qalliinka wiilkan looga soo saaray ilkahaasi ayaa qaatay muddo toddobo saacadood ah.

Ashik

Ashik Gavai, oo afkiisa laga soo saaray 232 ilig

Wiilkan oo lagu magacaabo Ashik Gavai ayaa isbitaalka la keenay isagoo ka bararay daanka midig. Waxaa la sheegay inuu xanuunsanaa muddo 18 bilood ah ka hor inta uusan ka soo safrin tuuladiisa, oo takhaatiirta joogta ay wax ka qaban waayeen arrintiisa.

Ilkaha Ashik

Ilkaha laga soo saaray afka Ashik Gavais

Takhaatiirta qalliinka fulisay ee magaalada Mumbai ayaa sheegay in xaaladda wiilkan ay tahay mid dhif ah oo aan horey loo arag. Waxay sheegeen in ilkaha wiilkan laga soo saaray ee tirada badan ay u egyihiin luul yar yar oo cad cad.

Dr Dhiwaare, oo ka mid takhaatiirta qalliinka sameeysay ayaa sheegay in ugu horreyntii ay ku adkayd inay soo saaraan ilkaha, oo taas ay ku qasabtay inay jeexaan ciridka iyo daanka Ashik.

“Markaan furnay, ilka yar yar oo tiro badan ayaa ka soo baxay, hal hal ayaan u soo bixinay, ilaa aan ka daalnay. Tirada ilkaha laga soo saaray ayaa gaaray 232 ilig.”

Xigasho BBCSomali.com