Ururs-Siyaasadeed wax uu qabanayo xilligan la garan karin oo lagaga dhawaaqay Magaalada Minneapolis

Minneapolis(Aftahannews):- Waxa Shalay oo ay bisha July ahayd 17, sannadka 2014-ka laga dhawaaqay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka Urur-Siyaasadeed Cusub oo Magaciisa la yidhaahdo Ururka Horumarinta iyo Did-u-habaynta Somaliland (Somaliland Reform and Development Party).

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed qoraal ah oo nin sheegtay Afhayeenka Ururkan lagu dhawaaqay wakhti aanay Somaliland wax tartan ururro siyaasadeed ah iyo ururro furasho toona ka taagnayn haddana sita magaca Somaliland, uu soo saaray, iyada oo la is-weydiinayo waxa uu ururkani ka shaqaynayo, sida uu u shaqaynayo iyo halka uu siyaasadda ka soo geli karo, haddana waxa lagu sheegay warka ay soo saareen inuu ka shaqayn doono dib-u-habaynta iyo horumarinta Somaliland.

Hase-yeeshee, Ururkan ayaa ah mid aan meelna kaga jirin Shirciyadda Somaliland oo oggol in tobankii sana-ba hal Mar Ururro Siyaasi ah la furi karo, taasna ay ugu dambaysay 2012-kii oo ay dhawr iyo toban urur-siyaasadeed ku tartameen doorashadii Golayaasha deegaanka ee isla sannadkaas ka qabsoontay Somaliland oo Ururrada soo kordhay ee ku soo baxay, Xisbinnimadana u soo gudbay uu ka mid yahay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, iyada oo inta u la gaadhayo 2022-ka aan Somaliland laga furi kairn wax Urur-siyaasadeed ah.

Balse, Warkan uu soo saaray Cabdirisaaq Maxamed Diiriye oo sheegtay Afhayeenka Ururkan la sheegay in luugu yeedhay Ururka Siyaasiga ah ee Somaliland Development and Reform Party, oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u qornaa sidan:-

“Waxa maanta oo bishu tahay 07/17/2014 laga dhawaaqay Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka Urur Siyaasadeed Cusub oo Magaciisa la yidhaahdo Ururka Horumarinta iyo dib u habaynta Somaliland ( Somaliland Reform and Development Party).

Ururkan cusub ayaa ka dhashay ka bacdi wada tashi iyo fikir ay isla qaateen aqoonyahanka qurba-joogta ah ee Reer Somaliland. Shirkii ugu horreeyay oo ay qurbe-joogtani kaga dhawaaqeen Ururkan, ayaa lagaga hadlay arrimo badan ay ka mid yihiin

1. siyaasada arimaha dibeda oo ay xukuumada maanta jirtaa ku fashilantay

2. qorshayn la’aanta arimaha bulshada sida biyaha, cadaalada, dhaqaalaha, shaqada, maciishada, caafimaadka iyo dhamaan waxyaabaha aasaasiga ah ee dalku u baahan yahay.

3. Waxa kale oo ay ka hadleen Siyaasad Xumada haysata Xisbiyada Mucaaridka ah oo bilaa qorshe ah isla maraana aan hayn si kale oo umada lagu bad baadin karo Somalilandna horumar lagu gaadhsiin karo.

Baaq:

Waxa uu xisbigani ugu baaqayaa dhamaan bulshaweynta Somaliland meel kasta oo ay joogto in;

1. In dadka la badbaadiyo

2. In laysugu yimaado shirweyne aayaha dalka lagaga tashanayo oo dhamaan aqoon yahanku ay fikirkooda ka dhiiban lahaayeen in la sameeyo siyaasad cad oo wadanka lagu maamulo.

3. In Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ahiba ay ku fashilmeen Siyaasadii Wadanka

4. In aan Doorasho hada aanay dhici karin isla markaana aan la hayn wadadeedii.

Ogeysiin:

Waxa la ogeysiinayaa dhamaan Aqoon yahanka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan in Shirweynihii Ururkan Siyaasiga ah lagu Qaban doono Magaalada Hargeysa November 15, 2014.

Doorasho:

Waxa Urur Siyaasadeedkani ay doorteen Gudi Fulineed oo ku meel gaadh ah oo kala ah;

1. Dr. Maxamed Cabdi Xirsi- Gudoomiye

2. Dr. Siciid Maxamuud Filanwaa- Gudoomiye Ku xigeen

3. Eng. Khadar Muxumed Caateeye- Gudoomiye Ku xigeenka 2aad

4. Dr. Mukhtaar Sahal Shiekh Xasan-Gudoomiye ku xigeenka 3aad

5. Cabadalle Xaaji Ismaaciil Xadi- Xoghayaha Guud

6. Yaasmiin Cabdilaahi Kediye- Xoghayaha Maaliyada

7. Cabdirisaaq Maxamed Diiriye- Afhayeenka

Allaa Mahad Leh.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.