Diyaarad ay leedahay Malaysia oo lagu soo riday Ukriane iyo Tirada dadka ku dhintay

Madaxweyneyaasha dalalka Maraykanka, Ruushka, Ukriane, Qaramada Midoobay iyo Masuuliyiin kale oo heer caalami ah oo ka hadlay diyaaradda lagu soo riday Bariga Ukriane.

Torez(Aftahannews):- Saddex boqol ooo Ruux, ayaa ku dhintay Diyaarad ay leedahay Malaysia oo maanta oo Khamiis ahayd lagu soo riday Bariga waddanka Ukraine oo ay maraysay, isla markaana ka soo duushay magaalada Amsterdam, kuna socotay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, ka dib markii Gantaal dhulka laga riday lagu ganay diyaaraddaas.

The site of a Malaysia Airlines Boeing 777 plane crash is seen at the settlement of Grabovo in the Donetsk region, July 17, 2014.(Reuters / Maxim Zmeyev )

Diyaaraddaas oo sidday 285 Qof oo Rakaab ah iyo 15 Shaqaalaha Diyaaraddaas ah, ayaa dhammaantood ku dhintay diyaaraddaas markii la soo riday, sida ay Caddeeyeen Wasaaradaha Caafimaadka ee dalalka Ruushka iyo Urkaine iyo weliba Wasaaradda arrimaha gudaha Ukriene, taasoo ay soo rideen Kooxda gooni-u-goosadka Ukraine ee dawladda dalkaas dagaalka kula jira, isla markaana Ruushka taageera.

Waxa Diyaaraddaas lagu soo riday Bariga Ukriane ee dadka badani ku dhinteen, ka hadlay Madaxweyneyaasha waddamada Maraykanka, Ruushka, Ukraine, Malaysia, Qaramada Midoobay iyo Masuuliyiin kale oo heer caalami ah, kuwaasoo dhammaantood sheegay inay ka xun yihiin.

Masuuliyiinta dawladda Ukraine, ayaa sheegay in diyaarad Rakaab lagu soo riday Bariga dalkeeda, halkaasoo ah goob ay ka dagaallamayeen kooxaha Mucaaradka ku ah dawladda ee Gooni-u-goosadka oo Ruushku taageero.

Waay Masuuliyiinta Waxa ay sheegeen in dhammaan 295 qof oo saarnaa diyaaradda oo laga lahaa dalka Malaysia ay dhinteen. Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Amsterdam ee dalka Holand, waxaanay ku socotay magaalada Kuala Lumpur ee waddanka Malaysia, halka ay Warbaahinta Ruushku ka sheegtay in tirada dadku tahay 300 boqol oo qof oo shan iyo toban ka tirsani shaqaale ka ahaayeen diyaaraddaas.

Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko, ayaa sheegay in diyaaradda ay soo rideen wax uu ugu yeedhay argaggixiso, waxaana uu ku baaqay baadhitaan caalami ah in lagu sameeyo sababta diyaaraddaas loo soo riday. Waxaanay Madaxweynaha Ruushka Putin believes iyo Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama oo ka jawaabaya baaqa Madaxweynaha Ukraine ay ballan-qaadeen inay kooxo baadhitaan sameeya u diri doonaan halka diyaaraddaas lagu soo riday ee ay ku burburtay.

Masuuliyiinta kale ee dawladda Ukraine sida Wasaarka arrimaha gudaha iyo Masuuliyiin kale oo dawladda dalkaas ka trisan, ayaa eedeeyay kooxaha gooni-u-goosadka ah ee Ruushka taageersan laakiin mucaaradku waa ay beeniyeen inay wax lug ah ku leeyihiin, waxaana ay sheegeen in ciidanka dowladda ay ka masuul.

Burburkii diyaaradda oo gubanaya ayaa la arkayay, waxaana qof dadka badbaadada ah uu sheegay in meydad badan halkaasi laga helay. Taasoo uu muuqanayey burburka iyo hadhaaga qolfoofka gubtay ee diyaaraddaas.

Shirkadda Diyaaradaha Malaysia, ayaa bogga Twitter-ka ku sheegtay inuu go’ay xiriirkii ay la lahayd diyaaradaasi oo maraysay hawada Ukraine. Diyaaradan oo ahayd Boeng 777 ayaa waxay siday 280 qof oo Rakaab ah iyo 15 Shaqaale ah.

Wakthiga ay soo baxeen wararka ku saabsan diyaaradda dhacday, ayaa gooni-u-goosadka Bariga Ukrina ka dagaallama ee Ruushku taageero, ayaa sheegay inay dhulka soo dhigeen diyaarad Millateri oo dawladda Ukraine ay leedahay, iyagoo ku soo riday magaalada Torez.

Qaramada Midoobay, gaar ahaan Golaha Guddiga u qaabbilsan arrimaha Diyaaradaha, ayaa Shir deg-deg ah ka yeeshay diyaaradda Malaysia ee lagu soo riday Bariga Waddanka Ukirane.

Diyaarad ay leedahay Malaysia ayaa sannadkan la waayey taasoo ay dad badan oo Rakaab ahaa sidan oo kale ay saarnaayeen, taasoo muddo lix toddobaad ah baadi-doonkeeda dawlado badani ka qaybgaleen oo la raadinayey, aakhirkiina la sheegay in Koonfurta fog ee Badweynta Hindiya laga helay wax loo maleeyey Burburkii diyaaraddaas oo Badda gunteeda la sheegay inuu ka muuqanayey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.