Xukuumadda Soomaaliya oo 500,000 Doollar ugu gurmanaysa Dadka ku dhaqan Dhulka Abaaruhu ku dhufteen

Muqdisho(Aftahannews):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay Shirkoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxa lagu shaaciyey in dalka ay ka jiraan Abaaro baahsan oo daran, iyagoo Guddi Wasiirro ah u saaray wax ka qabashada Abaaraha, sheegayna lacagta loo baahan yahay in wax loogu qabto dadka ku dhaqan deegaannada ay Abaaruhu ka jiraan.

eeee

unnamed-25 unnamed-115

Golaha Wasiirrada ayaa markii ay dood dheer ka yeesheen xaaladda abaaraha iyo biyo la’aanta ka taagan qaybo ka mid ah dalka, taas oo ka dhalatay roobkii oo daahay xiliga guga , ayaa goluhu ku dhawaaqay in ay jiraan xaalado abaaro iyo biyo la’aan ah, Waxaana goluhu ay sheegeen in dhibaatadani ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo shirka ka hadlay, ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku yaboohday lacag dhan 500,000 oo Dollar oo gurmad deg-deg ah loogu fidinayo dadka dhibaatada abaaruhu saameeyeen.

“Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan, waxaana ay beesha caalamka, Ganacsatada iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa, waxaana goluhu magacaabay guddi Wasiiro oo la tacaala wax ka qabashada abaaraha, waxaana gudiga hor kacayo Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo.” Sidaa ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli, ayaa sheegay in Golaha Wasiirradu ay sidoo kale ka hadleen ammaanka dalka, gaar ahaan dagaaladii ka dhacay gobolka Hiiraan, iyadoo Xukuumaddu ugu baaqday in shuruud la’aan lagu joojiyo dagaalka, waxaana uu xusay in Wafdi ka socda Xukuumaddu ay gaareen gobolka Hiiraan si ay gacan uga gaystaan xal u helida dagaalada ka dhacay tuulooyin ka mid ah gobolka.

Sidoo kale, Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in Ciidammada ammaanka toddobaadkan ay ka hor tageen gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo kooxaha Nabad-diidku doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee Sooman.

aftahaninc@gmail.com                             

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.