Qodobbo ka nixinaya Soomaaliya oo lagaga dooday Shir Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland yeesheen

Hargeysa(Aftahannews):- Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, ayaa Shirkooda toddobaadlaha ah ee ay Khamiis kasta yeeshaan waxay shirkooda khamiistii maanta ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa kaga doodeen qodobbo kala duwan, waxaanay si adag ugaga hadleen tallaabooyin ay xuseen inay dawladda Federaalka Soomaaliya ku sheeganayso Maamulidda Deegaanno Dhul, Badeed iyo Hawwada Somaliland.

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND OO SAYLICI GUDDOOMIYEY AFTAHANNEWS

Shirkan Khamiislaha ah ee ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland maanta yeesheen oo uu guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanay kaga doodeen Wasiirradu, isla markaana ku go’aamiyeen inaan la aqbali Karin in ay Soomaaliya Sheegato deegaanno Somaliland ka tirsan hadday Badda tahay, hadday dhul tahay iyo hadday Maamulka Hawada tahay-ba, waxaanay caalamka u sheegeen inaanay Somaliland arrimahaas u dul-qaadan doonin.

War-Saxaafadeed Caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews.com Xafiiskiisa Caasimadda Hargeysa, waxa lagu faahfaahiyey, waxyaabaha ay Wasiirradu Shirkoodaa Khamiistii maanta qabsoomay ay sida adag ugaga hadleen iyo waxay isku raaceen. Waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaas Aftahannews helay u dhignaa sidan:-

“Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Sideed iyo Sodonaad (138aad) oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Mdaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in la cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto

Sheegashooyin beryahan danbe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, bada iyo Hawada Somaliland, taasi oo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.

Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah. oo ah kuwii ay lahayd xiligii gumaysiga iyo ka dibba, xuduudahaasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah kuna cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Haddaba, fadhigaasi golaha wasiirada waxa beesha caalamka loogu cadaynayaa in Somaliland iyada oo xaqdhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca bada, beriga iyo Hawada.

Waxayna xukuumada Somaliland ka digaysaa cidkasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana cidii ku soo xadgudubtay ay ka masuul tahay.

Ugu danbayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Africa iyo kuwa caalamkaba.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.