Isra’iil oo lix saac oo Xabbad-joojin ah ka dib bilawday Duqaynta Shacabka Qaza

Qaza(Aftahannews):- Isra’iil ayaa dib u billawday duqeynta Qaza saacado kaddib markii ay dhamaatay shantii saacadood ee xabajoojinta ee labada dhinac ay ku heshiiyeen.

ISRA'IIL OO DIB U BILAWDAY QAZAAFTAHANNEWS

Goobjogayaal Qaza ku sugan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay duqeeyeen meel garoon ah.

Isra’iil iyo Xamas ayaa horey ugu heshiiyay xabad joojin ku meel gaar ah oo muddo shan saacadood oo ka dhaqangashay marinka Qaza.

Laba dhinac ayaa la sheegayaa inuu wadahadal ugu socda dalka Masar, balse wax heshiis ah oo xabadjoojin weli lama gaarin. Xamaas ayaa horay u sheegtay inay diiday xabbad joojintii ay dowlada Masar soo jeedisay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliy/Office.