Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Addis Ababa

Addis Ababa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maanta Duhurkii Safar ugu baxay dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska, ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Bole International ee magaalada Addis Ababa ee Caasimadda waddanka Ethiopia, halkaasoo ay Madaxweynaha iyo Weftigiisa ku qaabbileen Masuuliyiin dawladdaas ka tirsan.

9

 

2 3 4 6 7 8 9 10

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka Arimaha dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa waxa sidoo kale loo soo galbiyey Qolka VIP madaarka Adis-ababa.

Waxaana soo dhawaynta madaxweynaha  ka qaybqaadanayey wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia iyo safiirka midowga Africa u fadhiya dalka Ethiopia iyo Chief Protocol ka Ethiopia, sidoo kale masuuliyiinta safaarada Somaliland ayaa goob joog ka ahaa soo dhawaynta madaxweynaha oo ugu horeeyo safiirka Aadan Nuux Dhuule iyo safiir ku xigeenka Ayaanle Salaan Diiriye.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo intay joogaan Dalka Ethiopia waxay kulamo la yeelaan doonaan madaxda dalka Ethiopia iyadoo xidhiidhka labada dal ka dhexeeya ee qotada dheer ka wada hadli doonaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.