Jubballand oo shaaca ka qaaday inay Fashiliyeen Weerarro Argaggixiso oo Al-Shabaab soo maleegtay

Kismaayo(Aftahannewws):- Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliyeed, ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen weerarro argagixiso oo ka dhan ah Maamulkooda, isla markaana ay soo maleegeen Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya gobollo ka tirsan.

Sidaa waxa Warbaahinita u sheegay Gudoomiyaha gobolka Jubada Hoose Cabdirashiid Gooni oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ika warbixiyay xaaladda amni ee magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Jubba ay fashiliyeen qaraxyo ay Al-shabaab damacsanayd in ay ka geysato magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidammada Booliska ee Maamulkaasi ay miinooyin kasoo saareen qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in hadii miinooyinkaasi ay qarxi lahaayeen ay geysan lahaayeen khasaarooyin baaxad leh.

Masuulkan ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo in ay kala shaqeeyaan ciidamada sugista amniga, islamarkaana ay kusoo wargeliyaan wixii khatar ah ee ay arkaan.

Dhawaan ayay ahayd markii qarax nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ah lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda maamulka Jubba.

Guddoomiyaha ayaa digniin u diray dadka masoomayaasha ah ee ku nool magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidda bishan barakeeysan ee ramadaan gudaheeda ka ganacsatada raashiinka bisil.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.