Madaxweynaha Somaliland oo dalka ka dhoofay, siina furay Mashaariic Wasaaradda Duulistu hirgelisay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta socdaal shaqo ugu ambabaxay dalka dibeddiis, waxaanu socdaalkiisa ku sii mari doonaan dalka Itoobiya oo uu uga sii gudbi doono waddanka Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo uu sheegay inuu hawlo shaqo iyo kuwo caafimaad u tagayo Britain.

DSC_0687

Madaxweynaha Somaliland intii aanu dalka ka dhoofin waxa uu xadhigga ka sii jaray Dhismaha Cusub ee xarunta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland oo dhawaan laga bineeyey dacalka Galbeed ee garoonka diyaaradaha Hargeysa, waxa uu sidoo kale xadhigga ka jaray dib-u-haybayn lagu sameeyey qaybta gaadiidka la dhigo ee Madaarka Hargeysa, waxa uu kormeeray qaybaha garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Waxa uu Madaxweynuhu Salaan-sharaf ka qaatay Ciidammada Qalabka Sida ee Somaliland oo Dhabbaha Diyaaraduhu ku soo degaan Salaan ku siiyey Madaxweynaha oo uu garab-taagnaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Taliyeyaasha Ciidammada kala duwan ee Qaranka Somaliland.

Halkan hoose ka ee Aftahannews/RADIO, qaybteenna codka ah ee Aftahannews ka dhegayso Codka Madaxweynaha oo ka warbixinaya ujeeddada socdaalkiisa.

DSC_0010 DSC_0016 DSC_0023 DSC_0050 DSC_0079 DSC_0093 DSC_0094 DSC_0113 DSC_0133 DSC_0146 DSC_0160 DSC_0185 DSC_0203 DSC_0209 DSC_0219 DSC_0224 DSC_0238 DSC_0271 DSC_0317 DSC_0343 DSC_0348 DSC_0415 DSC_0419 DSC_0420 DSC_0466 DSC_0472 DSC_0487 DSC_0497 DSC_0503 DSC_0504 DSC_0510 DSC_0531 DSC_0539 DSC_0542 DSC_0547 DSC_0548 DSC_0558 DSC_0620 DSC_0643 DSC_0654 DSC_0671 DSC_0677 DSC_0687 DSC_0697 DSC_0705

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.