“Hargeysa Meelina Janno noqon kari mayso meelna meel lagu oomman yahay noqon mayso ..” Wasiir Cukuse

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka hadlay heerka biyo-ballaadhinta Caasimadda Hargeysa, isla markaana waxa uu sheegay inaanay dhinacyo Hargeysa ka tirsani Janno Biyo ah ku jiraynin, dhinacyo magaalada ka tirsanina aanay Oommane ahaan doonin ee qaybaha magaalada Biyo ku filan la wada gaadhsiin doono.

Cukuse

Wasiir Cukuse, ayaa ka hadlay khilaaf maalmihii u danbaysay ka taagnaa Mashruuca Biyo-balaadhinta Ceelka Xumbo-wayne ee magaalada Hargeysa, kaasoo qaar ka mida shacbka reer Hargeysa ay tuhunno badan ka qabeen in Mashruuca Biyo-ballaadhin oo loogu tala-galay saddex ka tirsan Xaafadaha Degmooyinka Hargeysa laga leexin doono qaabkii markii hore loogu tala-galay ee soo gelinta Biyaha magaalada in lagu soo horraysiiyo Xaafadaha Haraaddan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Sabtidii Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in ay ka Xukuumad ahaan ay dedaal ka sameeyeen dhinaca Biyaha labadii sano ee ugu danbeeyey, isla markaana ay Xukuumadda Siilaanyo dalka ka hirgelisay illaa toddobaatan Ceel-biyood, 48 ka tirsani yihiin kuwo cusub oo ay qodeen, inta kalena ay dayac-tirtay Xukuumadda iyo dhinacyada ay la kaashatay oo ay Hay’ado caalami ahi ka mid yihiin, isagoo ku dooday inaan horumarka ay Xukuumadda Siilaanyo ka samaysay horumarka dhinaca Biyaha aan labaatankii sano ee ka horreeyey ee ay Somaliland jirtay la samaynin, sida uu ku dooday.

“Inkasta oo hadaba ay baahidii wali taalo inkasta oo ay meel walba ka taagan tahay magaalooyinka waaweyna ay qaarkod ka jirto maanta Mushkilada taagan ee Bishan ramadaan inagaga soo hagaagtay ee hadalkeedu uu taagan yahay ee Shaydaankii la xidh Xidhay inoo soo raacay waa biyaha Hargeysa iyo Balaadhin tooda,gaar ahaana qaybtii bariga Magaalada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Hargeysa Biyaha waa laysku tuhmaa, waxa la yidhaahdaa meel baa Cabta meelna ma cabto, warkaasi waxba kama jiraan magaaladu waa ay oommantahay inteeda badani Biyo ma hesho, Awoodda Biyaha aynu hayno ee Fidineed ee gaadhsiinteeda ayaa xaddidan, maaha arrin farsamo, maaha arrin ku tala-gal ah ama Cidi go’aansatay ama cid kale lagu xumaynaayo oo cid lagu wanaajinaayo, taa waa aynu Soomannahay ee yaanu shaydaanku innoo soo dhex-raacin, waa isku mid nafteennu magaalada aynu joogno gebigeenuba waxa aynu joognaa 20-Km oo isku wareega meelina Janno noqon kari mayso meelna meel lagu oomman yahay noqon kari mayso, waaba 20-Km oo dhanwalba ah.”

Wasiir Cabdillaahi-Cukuse waxaa uu sidoo kale uu ugu baaqay dhammaan dadka dagan magaalada Hargeysa in aanay isku tuhmin Biyo, waxaanu yidhil; “Magaaladeennu markaa waxaa ay ila tahay in aynaan isku tuhmin ee waa ay jirtaa baahiduye aynu dawladda ku gacan-qabano sida baahidaasi loo daboolayo ee wax looga qabanaayo dhinaca Bariga ama Galbeedka magaalada,Waqoyigeeda iyo Koonfur Galbeed magaalada iyo magaalada Koonfurteeda waxaa la filayaa in Biyihii Midawga Yurub oo immika haatan gacan-saariddeedii maraya oo Baraago Cusub oo laga qodi doono Isha Boorame iyo Xaafadaasi Calaamadaha ayaa fidintaasi qayb wayn ka qaadan doona.”

“Waxaana la filayaai n biyaha shiinu ay 90% korodhkoda ay wax ku kordhin doonaan,waxaa yimi biyaha Xumba wayne ee maanta uu hadalku uu ka taagan yahay oo maanta uu shaydaanu ka faa’idaystay ninkii uu biyahaa Xumba wayne uu Calooshiisa shaydaanku si xun ugaliyayoow ee shaydaanka iska naar waa ramadaane Arrintu maaha arrin qabyaaladeed maaha qabiil biyo gacanta cid ugu haya iyo qabiil biyo loo diidayo maaha arrintu taas,dawlada ayaa gacanta ku haysa dadkeeduna waa uu usima yahay qofkasta oo muwaadina oo miyi jooga oo magaalo jooga waxanu jecel nahay in uu halkiisa uu biyo ku helo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiir Cabdilaahi Daahir Cuskuse waxaa hadal qoraal ka hor akhriyey warbaahinta gudi uu sheegay in lagu kordhiyey tiradii gudidii hore ee uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay fududaynta iyo ka shaqaynta Mashruuca Biyo balaadhinta ee Magaalada Hargeysa iyo sida oo kale qodobo ka soo baxay shir ay si wada jira u yeesheen gudidaasi.

Waxaa la kordhiyey tiradii Gudidii Biyaha hore gacanta ugu haysay waxaa lagu daray oo Xubnaha Cusub kamida Cukuse oo gudida afhayeen u noqon doona,Wasiirka Cadaalada,Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga.Wasiir ku xigeenka Amniga,Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud iyo Xildhibaan nacnac in kuwa biyuhu ku dhamaanayaan iyo kuwa kaleba ay cabaan labadaba sidii loo gaadhsiin lahaa ay gudidani ka shaqayso in hawshii hakatay ay sideedii u socoto.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, Dhaq            anka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.