Qaxa iyo Qaxoontiga Soomaalida Daashaday oo ku bilaabmay Dadka Degganaanta Barriinsaday ee Kenya

Kenya(Aftahannews):- Qulqulatooyinka Qixitaanka iyo Qaxoontinnimada dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey daashaday dadka Soomaalida ah, ayaa ku bilaabmay dadka reer Kenya ee degganaansha iyo dhibaataynta bara-kacayaasha Soomaaliyeed barriinsaday, ka dib markii ay Kooxda Al-Shabaab caadaysatay weerarro is-daba-joog ah oo ay ka fuliso gudaha waddanka Kenya, gaar ahaan gobollada dhinaca Xeebta ee kulaalaya Xadka uu dalkaasi la wadaago Soomaaliya.

BARAKAC_SHACAB_KEYDMEDIA-620x330

Inkasta oo ay Al-Shabaab labadii sano ee u dambeeyey xoojisay weerarrada ay ka fulinayso gudaha Kenya, waxaa saddexdii toddobaad ee u dambeeyey ay fuliyeen weerarro dhawr, waxaana weerarrada saddexdii toddobaad ee u dambeeyey ay ku qaadeen Kenya u dambeeyey weerar ay Shalay Koox Hubaysani ku qaadday Xaafad ka tirsan Magaalo-xeebeedka Lamu sida laga soo xigtay Masuuliyiin dawladda Kenya ka tirsan oo soo  gaadhay goobtaas weerarka ka dib.

Waxaa lagu soo warramayaa in weerarkaas ay fuliyeen illaa toban qof oo la sheegay inay aad u hubaysanaayeen, iyadoo Ciidammo ka tirsan Milliteriga Kenya la geeyay Xaafadda Pandanguo oo ah halka la weeraray, isla markaana 40km u jirta Mpeketoni.

Hay’adda Bisha Cas ee Kenya, ayaa sheegtay inaanay weli ka war-haynin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkaas, hase-yeeshee, waxay xustay Hay’addu in dadka ku nool Lamu iyo agagaarkeeda ay bilaabeen in ay iskaga baxaan oo ay ka qaxaan guryohoodii, iyaga oo ka cabsi-qaba weerarro kale oo ay Al-Shabaab deegaannadoodaas ku hujuunto. Waxa sidoo kale jira, deegaanno Xeebta Kenya ee dhinaca Waqooyi-Bari ka tirsan oo ay dadkii degganaa iyagana ka qaxeen, ka dib markii ay Al-Shabaab bilawgii Ramadaan weerarro dad badani ku dhinteen ku qaadday.

“Kooxo aad u hubaysan ayaa yimid halkan abbaaro 01:00-duhurnimo ee maanta, hubka ayaanay kala wareegeen xarumo uu Boolisku ku sugnaa.“ Sidaa waxa Kaviha Charo Karisa oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarro goos-goos ah oo maalmihii ugu danbeyey ka dhacayay tuulooyin muhiim ah oo ku yaalla dalkaas, hase-yeeshee, dawladda Kenya lagu eedaynayaa wax ka qabasha la’aanta arrimaha amni-xumada oo sii kordhayayay waayahan dambe.

Ururka Al-shabaab oo sheegtay Masuuliyadda weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay ku naf-waayeen 87-ruux, ayaa marar kala duwan ugu baaqay dawladda  Kenya in ay Ciidammadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya. Balse, dawlada Kenya, ayaa ku adkaysanaysa inaanay Ciidammadeedu ka bixi doonin Soomaaliya illaa inta ay ka dhammaysanayaan ujeeddada ay u joogaan.

Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddanka Kenya, ayaa marar badan dawladdooda ugu baaqay inay Ciidankeeda ka saarto dalka Soomaaliya, si ay yaraadaan cadaawadda iyo dagaallada sii xoogaysanaya ee ay Kooxda Al-Shabaab oo ku doodaysay inay ciidankeeda Kenya kala baxdo Soomaaliya kaga aar-goosanayso Kenya. Waxaana toddobaadkan ka la filayaa in Baarlamaanka Kenya la horkeeno Mooshin ka dhan ah sii joogitaanka Kumannaanka Askari ee ka tirsan Millateriga Kenya, kaasoo ay Mudanayaasha Mucaaridku dabada ka wadaan, isla markaana uu Baarlamaanku ka doodi doono marka la soo hordhigo.

Dawladda Maraykanka, ayaa sheegtay toddobaadkan dhammaaday inay dhiggeeda Kenya ka taageeri doonto ka hor-tagga iyo la-dagaallanka hawlgallada argaggixiso ee ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya.

Inkasta oo ay ku xoogaysteen dhibaatooyinka nabadgelyo-darro dalka Kenya, haddana waxay dawladda Kenya u muuqataa inay dhegaha ka furaysatay baaqyada Mucaaridka uga imanaya ee ah inay la tashato, Ciidankeedana kala baxdo Soomaaliya, joojisana dhibaatooyinka aan xaddiga lahayn ee faraha badan ee ay ku hayso Soomaalida ku dhaqan gudaha dalka Kenya.

Qaxa iyo Qaxoontiga Soomaalida daashaday dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey, ayaa hadda ku cusub ama bilaw u ah dadka reer Kenya oo waddankoodu degganaansho badan haystay, marka laga reebo dabayaaqadii 2007 illaa bilawgii 2008 oo ay dadka reer Kenya dhexdooda ku dirireen Natiijada doorashadii Madaxtinnimada wakhtigaas oo ay ku qanci-waayeen Xisbiyadii doorashada ku tartamay oo Xisbigii dawladda ee wakhtigaas ku eedeeyey inay dawladdu ku shubatay, Guddiga doorashooyinkuna ay dhinac noqdeen, markaas oo ay si aad ah isu dhibaateeyeen.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.