Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis Sameeyey

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Caawa soo saaray Wareegto uu Xilka-qaadis iyo Magacaabis ku sameeyey, taasoo uu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii gobolka Daad-madheed (Oodweyne), isla markaana waxa uu magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen cusub.

madaxweyne siilaanyo

War-Saxaafadeed Xambaarsan Wareegtada uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabista iyo Xil-ka-qaadista ku sameeyey oo Caawa ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu faahfaahiyey qodobbada uu Xilka-qaadista iyo Magacaabista u cuskaday Madaxweynuhu, waxaanu Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo Nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews.com u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2643/072014 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolkaasi, isla markaasina u magacaabay laba masuul oo cusub Gobolka Daad-madheedh.

 MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyay:  Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka,

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagadan, Markuu La Tashaday:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu go’aansaday- In Mudane, Cali Cawil Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Maxamuud Cali Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

1.      Ku:      Mudane, Jamaal Xuseen Hurre

            Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh  

2.      Ku:      Mudane, Faarax Cabdi Xasan  – Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh    

Mudanayaal,

Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo hayseen xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cali Cawil Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh iyo Mudane, Maxamuud Cali Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland caawa ee Xambaarsanaa Wareegtada Madaxweyne Siilaanyo Magacaabista iyo Xil-ka-qaadista uu ku sameeyey ee Aftahannews helay nuqulka ka midka ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.