Argentina oo Markii 1-aad Tan iyo 1990-kii gaadhay Finalka Koobka Adduunka, Holand-na reebtay

Aftahannews- Sports:- Xulka Qaranka Argentina ayaa u gudbay Finalka koobka aduunka markii koowaad tan iyo 1990 kii , 13 ka bishana Germalka ku wajahi doona garoonka Maracana ee caasimada Rio de Janeiro, kadib markii ay Rigoodhayaal 4-2 ah kaga adkaadeen xulka qaranka Holland, ciyaartii Semi finalka caawa oo la isku naf baxay.

Farxadii Xidigaha Argentina ee Rigoodhihii u Dambeeyey ee Maxi Rodrigez kadib

Taariikhda ayaa dib isu celisay , Finalka Koobka aduunkana waxaa markale kulmay Germany iyo Argentina oo koob aduunkii 1990 kii Finalka koobka aduunka ku kulmay, markaas oo xulkii West Germany calfaday oo ku guulaystay.

Argentina 0-0 (Pen- 4-2) Netherland

Kadib markii la isku mari waayay 0-0 , 90 minute ciyaarta loogu tallo gallay iyo 30 kii dheeraadka ahaa ee lagu daray, sidii sharcigu ahaa , wuxuu garsoorihii reer Turkey ee Cuneyt Cakir iclaamiyey rigoodhayaal.

xidigaha Ron Vlaar iyo Wesley Sneijder ayaa xulka Holland ka khasaariyey fursadii rigoodhaha ahayd ee loo dhigay , taas oo guusha u horseeday, Finalka koobka aduunkana u dirtay xulka Argentina, una quus goysay qaranka Netherland.

article-2686460-1F86550800000578-151_964x455

Habeen aan waxba la isula hadhin ayaa xidigaha Messi oo Argentina ah iyo Robben oo Netherland ahi , waxay isu mari waayeen 0-0 wakhtigii caadiga ahaa, waxaana rigoodhayaashii calfaday xulkii uu watay tababare Alejandro Sabella.

Xigasho Cadalool.com.