Maamulka Jaamacadda Sanaag oo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolkaas ku eedeeyey Musuq

Ceerigaabo(Aftahannews):- Guddida iyo Maamulka Jaamacadda gobolka Sanaag, ayaa Guddoomiyaha gobolkaas ee Wasaaradda Waxbarashada Aniis Saalax Xaaji Xasan ku eedeeyey inuu sifo sharciga baal-marsan u lunsaday, isla markaana jeebka ugu shubtay qaadhaan Lacageed oo Jaamacadda looga jaro Shaqaalaha Waxbarashada ee Sanaag, taasoo ay sheegeen inaanay arag meel la mariyey 9-kii bilood ee u danbeeyey.

Guddoomiyaha JAAMACADDA GOBOLKA SANAAG

Maamulka Jaamacadda gobolka Sanaag waxay sheegeen inuu Guddoomiyaha Waxbarashada gobolkaasi lunsaday adduun lacageed oo dhan $5,400, (Shan Milyan iyo Afar Boqol), taasoo ay xuseen inay jeebkiisa ku dhacday, isla markaana uu yahay Masuul Qaran oo ku tagri-falay awooddii dawladda curyaaminayana horumarka iyo himilada Bulshadda gobolka Sanaag ee meel-gaadhsiinta Jaamacadda gobolkaas oo ku taalla magaalada Ceerigaabo ee xarunta Sanaag.

Waxaanay Guddiga iyo Maamulka Jaamacadda gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo sidaa ku sheegeen War-Saxaafadeed kooban oo ay soo saareen caawa oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu isagoo dhammaystirsan u qornaa sidan:-

“Ujeedo: Guddoomiyaha Waxbarashadda gobolka Sanaag oo jeebka ku shubtay Qaadhaankii Jaamacadda Sanaag.

Jaamacadda Sanaag waxa si toos ah loo furay sanadkii 2011-kii waxaanay gobolka iyo degmaduba u qoondeeyeen sidii Jaamacadda loogu samayn lahaa ilo dhaqaale, waxaanay Wasaaradaha iyo ciidamadda la go’aamiyey in laga jaro hal Doolar bishiiba, nasiib-darro-se waxaa noqotay in Guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Sanaag ka hor yimaado bixinta qaadhaankaas $1 ah ee laga gooyo shaqaalaha iyo ciidamada.

Guddoomiyaha Waxbarashadda gobolku wuxuu ahaa masuulka 1-aad ee laga rabay inuu Jaamacadda gacan siiyo, korna u qaado dadaaalka loogu jiro ka midho-dhalinteeda, balse wuxuu noqday Masuulka Kaliya ee hortaagan ka midho-dhalinta homilada gobolka.

1.       Guddoomiyuhu waxa uu si toos ah u diiday qaadhaanka Jaamacadda ee halka Doollar ah ee laga jaro shaqaalaha waxbarashadda gobolka.

2.       Waxaanu bixinin lacagtaas laga jaro shaqaalaha waxbarashadda gobolka mudo Sagaal Bilood ah, laga bilaabo October 2013-kii ilaa June 2014, lacagtaas laga jaray shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sanaag dhamayd 600×9 $5,400, lacagtaas oo aan soo gaadhin Jaamacadda ee ku dhacday Jeebkiisa.

3.        Guddoomiyuhu waxa uu sheegtay Awood inuu ku tagri fallo qaadhaanka Jaamacadda sida ku cad warqadiisa Sumadeedu tahay WWGS/13/2014 ee 1/1/2014.

4.       Guddoomiyaha waxbarashadu wuxuu si toosah u diiday amarradii ay bixiyeen Guddoomiaha gobolka Sanaag ee tixraaceedu ahaa XMG2a4/70/2014 ee 8/3/2014 iyo tan Wasiirka waxbarashada ee Lr MOE/DG/HE103/047/2014 ee 29/3/2014 iyo MOE/HE/O1/260-117/14 ee 17/5/2014 oo dhamaantood ka soo wada baxay W.Waxbarashada iyo T/sare Hargeysa.

Gabo-gabo waxaan hadalkayaga ku soo gabo-gabaynaynaa waxaan wali ka dhicin dalka masuul sida uu doono ugu tagri-falo maamulka iyo hantida dawladda.  Guddida iyo Maamulka Jaamacadda Sanaag; 9/07/2014”.

Geesta kale, Waxaan noo suurtagalin inaanu wax ka weydiinno eedahaas loo jeediyey guddoomiyaha wasaaradda ee gobolka Sanaag Mr Aniis Xaaji Xasan, kaas oo aanay noo suurta-galin inaanu khadka telefoonka ku helno.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.