UCID oo fashiliyey Musuqmaasuq Shirkad Madaxtooyadu wadato lagu siiyey Diiwaangelinta Madaniga ah

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa ka shifay sifaha lagu bixiyey Qandaraaska qabashada diiwaangelinta Muwaaddiniinta Somaliland oo dhawaan dalka la rejaynayo in laga bilaabo, isla markaana sheegay sifo sharci-darro, musuqmaasuq iyo mad-madaw badani ka muuqdo lagu siiyey Shirkad ay Madaxtooyadu wadato oo aan aqoon iyo khibrad toona u lahayn qabashada hawshaas.

Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo maanta Hargeysa ugu warramay Warbaahinta madaxa-bannaan, ayaa sheegay inaanay UCID ahaan aqbali doonin ujeeddada shirkadan ka dambaysa oo uu sheegay inay Xukuumadda Siilaanyo ku doonayso in diiwaangelinta shirkadda uu macmalka ugu yeedhay loo dhiibay in loo isticmaalo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo iyadana sida qorshuhu ahaa in la qabto Bisha September ee sannadkan aynu ku jirno.

Musharrax Jamaal Cali Xuseen, oo sidoo kale ka hadlay qodobbo kale oo ay ka mid yihiin wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Maamulka Hawada Somaliland oo lagu wareejinayo Maamulkeeda Soomaaliya, Bilaydh-lambarrada Baabuurta lagu xidho ee dalka ka dhammaaday iyo nabadgelyo-darrada ka dhalan karta oo uu ku eedeeyey Wasaaradda Hawlaha guud iyo weliba Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo uu ku eedeeyey inay ku fashilantay wax ka qabashada Xoolaha Sucuudigu dib ugu soo celinayo Ganacsatada reer Somaliland, Muwaaddiniinta reer Somaliland ee ay Xukuumadda Madaweyne Siilaanyo u dhiibayso dalalka shisheeye si ay kalsooni ugaga heshso iyo qodobbo kale oo xiiso leh iyo soojeedimo uu raaciyey.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka iyo Codka Musharraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen. Halkan hoose guji si aad u daawato Muuqaalka Warkaas oo dhan.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysas/Somaliland.