Weerarkii Villa Soomaaliya oo Galaaftay Taliyeyaasha Booliska, Nabad-Sugidda & Magacaabista Wasiirka Amniga

Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Nabad-Sugidda Soomaaliya oo Xilka laga qaaday iyo Wasiirka Amniga oo la magacaabay

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa xilka ka qaaday Taliyeyaashii Ciidanka Booliska iyo Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka oo jagadiisu bannaanayd iyo sidoo kale beddelka labada Taliye.

albaabka-madaxtooyada-620x330qq

Tallaabadan ayaa ka dambaysay weerar xalay Al-Shabaab ku qaadday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, sidoo kalena 11-kii Maalmood ee lagu jiray Bisha Barakaysan ee Ramadaan ay xoogaysteen weerarrada Argaggixiso ee ay Kooxdaasi la beegsanayso Mudanayaasha Baarlamaanka Muqdisho, Ciidammada, gaar ahaan Kuwa nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaanno iyo weerarkan u dambaysay ee xalay lagu qaaday Madaxtooyada.

Wareegto kasoo baxday saaka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa loogu magacaabay xilka Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg oo hore looga qaaday xilka Taliyaha Nabad-sugidda gobolka Banaadir, ka dib markii uu xilkan iska casilay 24-kii bishii May ee sannadkan Cabdikariin Xuseen Guuleed oo toddobaadkan loo magacaabay La-taliyaha arrimaha Siyaasadda ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa sidoo kale xilalkii ka qaaday Taliyihii Booliiska Soomaaliya Jeneral Cabdixakiin Daahir Saacid, isagoo xilkaas u magacaabay Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil. Sidoo kale, waxaa xilka laga qaaday Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana si Ku-meel-gaadh ah loogu magacaabay xilkan Gaashaanle Sare Maxamed Cabdullaahi Xaamud.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Warbaahinta u akhriyay Wareegtada lagu magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha la beddelay, ayaa sheegay in tallaabadan ay timid ka dib markii Ra’iisul wasaaruhu uu arkay xaaladda uu dalku marayo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu amray in Taliyeyaasha Ciidammada Nabad-sugidda iyo Booliiska gobolka Banaadir ay si toos ah u hoos-tagayaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu farayaa Wasiirka Amniga Qaranka inuu amarkaas fuliyo, isla markaana uu si dhaqso ah uga howlgalo wax ka qabashada xaaladda amniga dalka.” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo akhriyey Wareegtada ka soo baxday maanta Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Wasiirka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul wasaaruhu uu sidoo kale farayo Taliyeyaasha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka iyo Booliiska Soomaaliya inay si adag u fuliyaan howlaha loo igmaday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mr. Dhuxulow, ayaa raaciyay hadalkiisa in Ra’iisul wasaare Cabdiweli uu sheegay in Xukuumaddu ay si joogto ah isha ugu hayn doonto xaaladaha guud ee ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu si gaar ah ugu mahad-celinayo Taliyeyaashii xilalka laga qaaday oo howl adag soo qabtay intii ay xilalkan hayeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.