Bilaydh-lambarrada Baabuurta lagu xidho oo ka madhay Somaliland iyo halis Amni-darro oo ka dhalan karta

Yey gacanta ugu jireen Bilaydh-lambarrada Baabuurta ee dalka ka dhammaaday ma dawladda mise Shaqsiyaad gaar ah?

Maxaa dhantaalay doorka iyo Masuuliyadda ay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidku ku lahayd Bilaydh-lambarrada Gaadiidka dalka soo galaya?

Hargeysa(Aftahannews):- Bileedh-lambarrada lagu xidho Baabuurta oo aanay marka horeba si buuxda gacanta ugu haynin dawladda Somaliland, ayaa guud ahaanba ka go’ay dalka, isla markaana aan oollin wakhtigan, taasoo keeni karta halis badan oo nabadgelyo iyo xannibaad soo food-saarta Muwaaddiniinta Gaadiidku uga soo degayey Dekedda Berbera maalmahan iyo weliba kuwa Xadadka aynu dalalka deriska ah la wadaagno Baabuurt cusubi uga soo geli lahayd dalka.

BILAYDH LAMBARKA SOMALILAND EE GAWAADHIDA

bWF4Vz04MDA=_x_htp

Lambarrada Gawaadhida cusub ee dalka yimaadda ee ay dadka reer Somaliland ka keensadaan dalalka dibedda lagu xidho ee SL ama Somaliland iyo heerka Lambarku marayo midkasta ay ku muujisnayd, ayaa wararku sheegayaan inay dalka ka dhammaadeen oo aanay oollin maalmahanba, isla markaana ay ku hawlan yihiin Ganacsatada marka horeba gacanta ku haysay helitaanka Bilaydhadaas Baabuurta lagu xidho ee hadda kala go’an.

Ma jiro War rasmi ah oo ay Ganacsatada gacanta ku haysay Bilaydh-lambarrada Gawaadhida cusub lagu xidho. Inkasta oo ay Weriyeyaal Wargeyska Himilo ka tirsani illaa shalay isku dayeen inay war sugan ka helaan oo ay marar badan oo kala duwan shalay illaa xalay xidhiidh la sameeyeen Ganacsatada Shaqada Bilaydhadu gacanta ugu jirto iyo Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland oo iyaduna wixii Shaqo Gaadiid ah Qaranka Masuul uga ah, haddana noomay suuragelin inaannu helno.

Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo aannu Taleefankiisa gacanta kula xidhiidhnay ayaanay noo suuragelin inaannu ku helno, ka dib markii aannu marar badan la kulannay Taleefankiisa oo xidhan ama dembsan. Sidoo kale Ganacsade Maxamed Baarjeex oo ah Ganacsadaha Shaqada Bilaydh-lambarrada Baabuurtu isaga gaarka u tahay ama gacanta ku haya, ayaannu dhawr jeer oo kala duwan la kulannay isagana Taleefankiisa gacanta oo xidhan.

Hase-yeeshee, Warar Xog-ogaal ah oo uu Wargeyska Himilo kal helay ilo u dhuun-daloola Dhammaadka Bilaydh-lambarrada Gaadiidka ee dalka Somaliland ka go’an, ayaa sheegay inay arrintaasi tahay xaqiiq maalmahanba taagnayd, isla markaana ay tahay Dhammaadka Bilaydhada oo aan marka horeba dawladda Gacanta ugu jirin mid halis nabadgelya-darro ku keeni karta dalka iyo dadka Somaliland.

Sababta amni-darrada ay tallaabadani u noqon karto ayaa ah inay dalka Somaliland laba illin ka soo galaan Baabuurta cusub, labadaas waddo oo kala ah Dekadda Berbera oo aan iyada aad looga werwer qabin Gaadiidka soo mari lahaa iyo Dhinaca Waddada Boosaaso oo ay dadka Gaadiidka keensada qaarkood u door-bidaan inay uga cashuur jaban tahay Dekedda Berbera, sidaa daraaddeed-na waxa Bilaydh-lambarrada Somaliland lagaga soo xidhi-jiray Deegaannada Xadka iyo Kastammada Cashuuraha qaarkood sida ay ila-wareedyadu u xaqiijiyeen Wargeyska Himilo, taasoo haddii aanay dawladdu ka feejignaan ay dalka soo geli karaan Gawaadhi bilaa lambar ah ama Lambarro aan sharci ahayn lagu isticmaali karo, taasina ay keeni karto inay Cadawga Jamhuuriyadda Somaliland si qaldan uga faa’iidaysan karaan.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay kala go’a ama madhashada Bilaydh-lambarrada Somaliland ee lagu xidho Noocyada Gawaadhida kala duwan ee dalka soo gala, kaasoo ah aqoonsiga koowaad ee Baabuur ama Gaadhi lagu aqoonsan karo haddii uu dhibaato geysto iyo haddii kaleba, isla markaana kala sooca Baabuurta oo midna aanu mid la tiro ama la lambar ahayn ee mid waliba ka kale hal lambar kaga duwan yahay.

Xigasho Wargeyska Himilo.