Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sheegay inaanu Al-Shabaab uga cararin Madaxtooyada ee uu joogo

Muqdisho: Aftahannewws ka daawo Muuqaalka Madaxweynaha iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Shirka Jaraa’id ee ay Caawa ku qabteen Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho Weerarka Al-Shabaab ka dib.

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo ay Kooxo Al-Shabaab ka tirsani caawa fiidkii weerar dhimasho iyo dhaawac sababay ku qaadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay Al-Shabaab sheegtay inuu ka cararay Madaxtooyada oo ay Madaxtooyada qabsan, ayaa Shirka Jaraa’id ee uu gudaha Madaxtooyada Muqdisho ku qabtay ku sheegay inaanu ka cararin Madaxtooyada, isla markaana ay joogaan isaga iyo Masuuliyiinta sare ee dawladda Soomaaliya, cid ay wax yeelleeyeen oo Madaxda ka tirsanina aanay jirin.

Halkan ka daawo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Shirka Jaraa’id ee uu caawa ku qabtay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Sidoo kale, Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo isaguna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, faahfaahin-na ka bixinaya sidii ay wax u dhaceen. Halkan hoose guji si aad u daawato Codka iyo Muuqaalka Wasiir Dhuxulow.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.