Hambalyada Bahda Aftahannews and Radio ee Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Aftahan:- Maamulka sare, Masuuliyiinta, Weriyeyaasha, Shaqaalah iyo hawl-wadeennada guud ahaan Bahda Warbaahinta Aftahannews and Radio, waxaan dhammaan meelkasta oo aan kala joogno Hambalyo iyo Bogaadin u diraynaa guud ahaan Ummadda Islaamka ee daafaha caalamka ku kala nool, gaar ahaanna Ummadda Af-Soomaaliga ku hadashaa meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

download-161

Waxaan ugu hambalyeynaynaa Fadliga Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo caawa koow ah, kuna beegan 29 June 2014, oo dunida Islaamka oo dhan laga soomayo, waxaan leenahay Allaah ha innaga dhigo inta gudata waajibaadka iyo Acmaasha suubban ee Bisha Ramadaan, Allaah waxaan ka baryeynaa inuu innaga dhigo inta uu u dembi dhaafo, u naxariisto ee uu Naaraha ka xoreeyo Insha Allaah. Illaahay Soontan Soonteeda ha innagu gaadhsiiyo nabad, farxad, caafimaad-qab, midnimo iyo wada-jir. Aammiin…..Aammiin…..Aammiin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.