Ujeeddada Muddaharaad 3 Maalmood guduhood mar kale gilgilay Magaalada Baydhabo

Baydhabo(Aftahannews):- Muddaharaad ay dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee dalka Soomaaliya oo ay kaga soo horjeedaan Qaramada Midoobay, Beesha Caalamka iyo dawladda Soomaaliya, ayaa maalintii labaad maanta magaaladaas gilgilay.

DSC00170

  2014628635395389460339600DSC00172xxP107-421-255-398-00101

Waxa muddaharaadkaas lagaga soo horjeedaa heshiiskii lagu saxeexay magaalada Muqdisho toddobaadkii hore. Heshiiskan oo ay saxeexeen Cabdifataax Geeseey iyo Maxamed Mad-deer ayay ku sheegeen Madaxda dowladda Soomaaliya inuu yahay mid lagu heshiisiinayay Maamullada Koonfur-galbeed ee saddexda iyo lixda gobol iska soo horjeeday.

Muddaharaadka ayaa lagu cambaareeyay Masuuliyiinta ugu sarreeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha calaamka, iyadoo dibed-baxa ay ka qayb-galeen Siyaasiyiin, Ganacsatada, Aqoon-yahanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Maamulka lixda gobol Madoobe Nuunow Maxamed oo dibed-baxa ka hadlay, ayaa shacabka ku boorriyay in la difaaco lixda gobal, Bannaan-baxana lasoo gaba-gabeyn doono maalinta Berri ee 29 June 2014, waxaanu yidhi; “Dibed-baxyadeenna waxaan soo gabagabeyn doonnaa Berri, waayo waxaannu geli doonnaa maalmaha bisha Barakeysan ee Ramadaan.”

Madoobe Nuunow, waxa uu sheegay inay ka go’an tahay reer Baydhabo inay ka hortagaan wax kasta oo ka hor-yimaasdda Maamulkooda ay dhisteen ee Maamulaya lix gobol oo uu sheegay inay ku midaysan yihiin Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo aanay ka noqon doonin sida uu sheegay.

Golaha Guurtida  Maamulka lixda gobol ayaa maanta waxay xilkii ka qaadeen Malaaq Malabow Xasan Keeroow iyo Suldaaan Buube, kuwaasoo ka qayb-galay Shirkii Muqdisho ka dhacay ee lagu saxeexay heshiiska lagu sheegay in lagu soo afjaray wax-kala-jiidashadii iyo khilaafkii u dhexeeyey labada Maamul ee la iska daba-dhisay ee lagaga dhawaaqay Baydhabo Bilihii sannadkan ee aynu soo dhaafnay.

Bannaan-baxa maanta ayaa waxa horkacayay Ciidammada Madaniga ah ee lixda gobol, waxaanay socod ku mareen dhammaan waddooyinka magaalada Baydhabo; iyadoo qaar ka mid ah Wasiirrada Maamulkaasi ay ku dhex-jireen dadka bannaan-baxayey.

Khamiistii inna dhaaftay ayay dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo, Siyaasiyiin iyo Ganacsato magaaladaas ka dhigeen Muddaharaad ay kaga soo horjeedeen Heshiiskaas, si gaar ahna ay ugu cambaaraynayeen Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey hirgelinta waxa loogu yeedhay heshiiska ee ka dhacay Muqdisho Arbacadii..

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.