Somaliland oo sheegtay inay dalkeeda ku marti-qaadayso Maraykanka, Ingiriiska iyo Midawga Yurub

Waa maxay ujeeddada ay Somaliland dalkeeda ugu marti-qaadday Midawga Yurub, Maraykanka iyo Ingiriiska?

Hargeysa(Aftahannews):- Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Ururka Midawga Yurub iyo Ururrada akale ee caalamiga ahba u fidisay Marti-qaad rasmi ah oo ay ku yimaaddaan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ku ogaadaan xaqiiqada Xuduudka dalkeennu la wadaago dalka Soomaaliya.

timthumb

Marti-qaadkan dawladda Somaliland, ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii ay Wakiillada dawladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Midawga Yurub u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, ay soo saareen Baaq wada-jir ah Sabtidii toddobaadkan, kaasoo ay ku soo jeediyeen in dagaallada ka bilawday gobolka Sool la joojiyo, isla markaana dawladda Somaliland iyo Malleeshiyooyinka Khaatumo iyo Puntland dib u kala qaadan Ciidammada.

Waxay Wakiillada Midawga Yurub, Ingiriiska iyo Maraykanku  ku soo jeediyeen baaqoodaas in Somaliland iyo dhinacyada ka soo horjeedaa ka shaqeeyaan horumarinta iyo kaabista adeegyada bulshada ee shacabka deegaannadaas ku nool iyada oo aan loo eegaynin arrimaha siyaasadeed iyo murannada Somaliland iyo dhinacyada kale ee Puntland iyo Khaatumo ka dhexeeya iyo taageerada ay shacabku u kala hayaan toona.

Hase-yeeshee, dawladda Somaliland ayaa jawaabo is-daba-joog ah ka bixisay baaqaas maalmihii ugu dambeeyey, isla markaana sheegtay inaanay Somaliland dhibaato ay waddaa jirin iyo cid ay duullaan ku tahay toona, balse sida waajibka ku ah ay sugayso nabadgelyada Xuduudeheeda iyo guud ahaan dalkeeda, taasna aanay jirin cid ay uga fasax qaadanayso deegaannada dalkeeda ee ay Ciidammadeedu gaadheen.

Inkasta oo aanu jirin qoraal si gaar ah dawladdu ugu muujisay Marti-qaadka ay u fidisay dhinacyadaas, haddana Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay Midawga Yurub, Ingiriiska iyo Maraykanka ku marti-qaadayaan dalka si ay u soo arkaan Xuduudaha sharciga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Puntland iyo Malleeshiyooyin kale wakhtigan Somaliland kula dagaallamayaan, iyagoo isir-sheeganaya lahaansha deegaannada Sool iyo Bariga Sanaag.

Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somlailand Baashe Maxamed Faarax oo Marti-qaadkaas ka hadlayaa yidhi; “Beesha caalamku waa inay ixtiraamaan xuduudaha Somaliland, ciddii doonaysana waxaannu u fidinaynaa inay timaaddo oo ay soo aragto xuduuddu meesha ay tahay, Maraykanka ha noqoto ama Ingiriis ama Midawga Yurub noqoto, waxaannu ku marti-qaadaynaa inay yimaaddaan xallin oo aannu tusno xuduuddu meeshay marto iyo inay weli sideedii u dhisan tahay.”

Somaliland, ayaa dhinaca Bariga xad kala wadaagta waddanka Soomaaliya oo uu dhinacan u soo xigo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaasoo maruan indho-la’aan ku sheegta inay gobollada Sool, Cayn iyo Bariga Sanaag ka tirsan yihiin Maamulkooda, isaga oo xadka u dhexeeyaa yahay kii uu jeexay Ingiriisku ku dhawaad 140 sano ka hor, kaasoo kala qaybiyey Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray iyo dhulkii ay Boqortooyada Ingiriisku ka talin jirtay ee Somaliland British Protogtrate oo ah dhulka Somaliland, kaasoo cid beddeshay ama maanta beddeli kartaana aanay jirin Sharciyan.

Xigasho Wargeyska Himilo.