Khasaaraha ka dhashay Weerar kale oo Al-Shabaab ka fulisay Kenya iyo dawladda oo ka hadashay

Mapenya(Aftahannews):- Ugu yaraan 15-qof ayaa lagu dilay weerar kale oo ay Al-shabaab xalay ku qaadday deegaanno ka tirsan tuulada Mapenya oo ka tirsan Mpeketoni oo habeen hore uu ka dhacay weerar ay ku dhinteen 48-qof.

2014617635385776254645739mpeketoni

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku, ayaa sheegay inay kooxaha hubeysani gubeen qalab ay lahayd shirkadda Isgaadhsiinta Safaricom ka hor inta aysan dilin dadka. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in weerarkaasi ahaa mid daba-socday kii ka dhacay isla deegaankaas habeen-hore, isagoo xusay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ahaayeen kuwo wax badan og ama xog-ogaal u ah.

“Kooxaha intii aanay weerarka qaadin waxay khalkhal-geliyeen Isgaadhsiinta oo si aanay dadku u bixin digniino la xidhiidh weerarka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku.

Sidoo kale, Wasiirka Daakhiliga Kenya waxa uu sheegay in dagaalkan uu yahay mid baahsan, ayna ku guubeen kooxahan gaadiid iyo dhismayaal ku yaalla tuulada Mapenya, isagoo aan sheegin kooxaha weerarka geystay halka ay aadeen.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ciidamada amniga Kenya ay ka hortageen inay kooxahan mar kale dilal baahsan geystaan, isagoo xusay inay dileen 15-qof oo keliya, kuwaasoo uusaan sheegin waxay ahaayeen shacab iyo askar.

Al-shabaab ayaa hore u sheegatay Mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay 48-ka qof ee ka dhacay degmada Mpeketoni oo ku dhow degmada Laamu, iyagoo sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay aargudayeen wadaaddo lagu dilay Mombasa.

“Waxaan fulinnay weerar kale oo aan xalay ku qaadnay deegaannada Kenya oo aan ku dilnay 20-qof, intooda badanna waxay ahaayeen askar Kenyan iyo kuwo kale oo ilaalo hayay. Ciidamadeennuna waxay mareen deegaanno dhowr ah oo ay ka raadinayeen askarta Kenya,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegay in weerarradan ay sababayaan in Saraakiisha Kenya ee Lamu jooga la beddelo, halkaasna la geyn doono Saraakiil cusub si ay wax uga qabtaan.

Magaalooyinkan dagaalladu ka dhaceen ayaa waxaa tagay maanta saraakiil ay ka mid yihiin taliyaha booliiska Kenya, David Kimaiyo iyo labadiisa ku xigeen ee kala ah, Grace Kaindi iyo Samuel Arachi, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ka jira iyo dilalkii dhacay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.