Somaliland: Xuska Maalinta Carruurta Afrika, Wacdarihii Agoomaha & Danankii qalabka Bamboyda

Baambooyda oo qalabka danana kaga sanqadhiyey, Wacdarihii Carruurta Agoomaha ah iyo weedhihii Masuuliyiintu ka jeediyeen Madasha xuska Agoomaha ee Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibad si wacan loo soo agaasimay oo ay ka qaybgaleen Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland, Wasiirrada Waxbarashada, Maaliyadda, Shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, ayaa maanta lagu xusay Maalinta Carruurta Afrika ee 16-ka June, taasoo sannadkasta Somaliland iyo Afrikada kale-ba laga xuso.

Munaasibadadaas oo ay bilaabayaan Ciidanka Booliska ee Baambowda oo kaga sanqadhinaya qalabka danana, hadalladii Masuuliyiinta iyo Wacdarihii Carruurta xarunta Agoomaha magaalada Hargeysa.

aftahanninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.