Somaliland: Tirada Ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka Dugsiyada sare & dhexe oo la shaaciyey iyo waqtiga

Hargeysa(Aftahannews):- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe iyo Fallada Afraad ee Dugsiyada Sare ee Somaliland, ayaa la shaaciyey wakhtiga uu sida rasmiga ah u bilaabmi doono, Tirada Ardayda u fadhiisan doonta iyo tirada Shaqaalaha ka hawlgeli doona.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan, oo Sabtidii Shir Jaraa’id ku qabatay Xafiiska Imtaxaanaadka guud ee magaalada Hargeysa, ku sheegtay in Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo Dugsiyada dhexe dalka si rasmi ah uga bilaabmi doono 21-ka bishan June ee aynu ku jirno.

Wasiir Samsam waxay sheegtay in sannadkan ay Imtixaanka Dugsiyada Sare iyo Dhexe u fadhiisan doonaan Arday tiradoodu dhan tahay 21,089 Arday, kuwaasoo isugu jira dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dhammaan gobollada dalka Somaliland. isla markaana ay ka shaqayn doonaan 1,476 Shaqaale ah oo isugu jira kuwa ammaanka ilaalinaya, kuwa imtixaanka qaadaya iyo Ciidanka nabadgelyada iyo shaqaalaha Imtixaanaadka ilaalinaya. iyadoo Wasiirku sheegtay in laga maarmay in Macallimiin dalka dibeddiisa ka yimaaddaa oo imtixaanka diyaariya.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.