SOLJA oo si adag uga hadlay Xadhigga Yuusuf Cabdi Gaboobe oo maanta Xabsiag loo taxaabay

Filed under: Wararka |

Hargeysa(Aftahannews):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay xadhigga mar kii labaad ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sida indho-la’aanta ah ugula kacday Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo maanta dib loo xidhay, ka dib markii dhawaan la siidaayay isaga iyo Tifaftiraha Wargeyskaas Axmed Cali Cige.

YUUSUF CABDI GABOOBE12

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu si kulul u cambaareeyey xadhigga Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxaanu Ururku xadhiggaas ku tilmaamay fal anshax-darro ah iyo cabbudhin badheedh ah oo ay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo si joogto ah ugu hayso xorriyadda hadalka iyo madax-bannaanida Saxaafadda.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa galabta soo saaray War-Saxaafadeed uu kaga hadlayo arrintaas oo uu isagu ku saxeexnaa. Waxaanu War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, qoraalkiisuna u dhignaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cambaaraynayaa falka anshax xumada ah ee markii-labaad uu kula kacay garsoore Asad Nuur Cilmi  Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yusuf Cabdi Gaboobe. Oo maanta 6/14/14 abaaro 11:40 barqonimo xabsiga ugu taxaabay gudoomiyaha wargeyska haatuf oo ku sugan xarunta maxakamada gobolka maroodi-jeex isagoo ay gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi-jeex Faysal dhagodhago u-lasocday inlagabadalo garsoorihii ay hore udureen iyo in lamudeeyo dacwadii wargeyska iyo masuuliyinta haatuf hore loogu haystay taasi oo uu gudoomiye faysal uu hore uga ogalaaday.

Intaa ka dib gudoomiye gaboobe oo ay wehelinayaan xog-hayaha ururka SOLJA iyo laba xubnood oo kale ayaa waxa dhacay in garsoore ASAD uu ku amaray in ay qabtaan askarta maxkamada gobollka una dalbaday gaadhigii maxaabiista qaadayay .markii uu xog-hayaha SOLJA uu waydiiyay Sobobta uu marlabaad u xidhayo wuxuu ku jawaabay in xubno wasiiro ah iyo madaxtoyada iyo xeer-ilaalituba ay culays kusaareen in uu si dhakhso ah usoo xidho.

Hadaba ururka SOLJA wuxuu cod-dheer ku cambaaraynayaa falalka noocana ee loogu cagajuglayanyo xoriyatal qowlkii ee laguna wiiqayo kalsoonidii umadu ku qabtay maxkamada iyo sharaftii cadaalada dalka waxa aanu ugu baaqaynaa madaxweynaha Somaliland in uu si dagdaga usii daayo gudoomiyaha wargeyska haatuf iyo labada xarumeed ee wargeysyada haatuf iyo hubaal.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

You must be logged in to post a comment Login