Muqdisho(Aftahannews):- Hoggaamiyihii Al-Shabaabta Buuralayda Galgala Sheekh Maxamed Siciid Atam, ayaa shaaca ka qaaday maanta inuu isu dhiibay dawladda Soomaaliya, isla markaana uu ka baxay Malleeshiyada Al-Qaacida ka tirsan ee Al-Shabaab, taasoo uu sheegay inay bannaysteen Dhiigga Islaamka, kana soo horjeesteen Shareecada Islaamka oo ay Diinta Islaamka dhaqankeeda suubban ka doorteen dhaqan ashkhaas gaar ah ka soo fula.
Sheekh Maxamed Siciid Atam oo la sheegay inuu maalmo ka hor galay gacanta dawladda Soomaaliya oo uu isu dhiibay, ayaa maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo ay si aad ah u ilaalinayeen Ciidammada dawladda Soomaaliya ee Booliska iyo Nabad-suguddu. waxaanu Shirkaa Jaraa’id ka akhriyey qoraal qodobbaysan, isagoo markii uu hadalkiisa dhammaystay Weriyeyaasha ka qaybgalay Shirkiisa Jaraa’id ay Su’aalo kala duwan halkaas ku weydiiyeen, kuwaasoo uu ka jawaabay halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka akhriso oo ka dhegayso.
“Shir-Jaraa’id – Sabti 07 June 2014
Anigoo ah Sheikh Maxamed Siciid Maxamed (Atom), waxaan u hayaa shacabka Soomaaliyeed farriin muhiim ah. Waxaan in muddo ah u dulqaadanayey qaladka Axmed Cabdi Godane iyo shabakadiisa ay ku hayaan shareecada Islaamka iyo dadka muslimiinta ah. Waxaan maanta go’aansaday inaan iskaga tago Xarakada Al-Shabaab arrimo badan awgood.
Haddaba waxaan cadaynayaa inaan maanta waxii ka danbeeya aan mabaadiidayda iyo fikirkeyga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo Isfaham, arrinkaasna waxaan isla garanay dowladda Soomaaliyeed. Waxaanan uga mahadcelinayaa sida la ii soo dhoweeyey.”sidaa ayuu qoraalka uu shirkiisa jaraa’id ka akhriyey ku yidhi Sheekh Maxamed Siciid Atam.
Halkan hoose ka dhegayso Codka Sheekh Atam, su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya/Office.
You must be logged in to post a comment Login