Guddoomiye Jawaari iyo Mudanayaal Kampala ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Filed under: Wararka |

Kampala(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mudanayaal Golahaas ka tirsan, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii maanta booqasho ugu tegay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo deggan magaaladaas wixii ka dambeeyey markii uu xilka Madaxtinnimada ku wareejiyey Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga guulaystay doorashadii Baarlamaanku u codeeyey 10-kii September 2012-kii.

DSC0343

DSC0259 DSC0262 DSC0277 DSC0280 DSC0282 DSC0284 DSC0286 DSC0288 DSC0289 DSC0295 DSC0297 DSC0305 DSC0306 DSC0307 DSC0318 DSC0338 (1) DSC0338 DSC0341 DSC0343 (1) DSC0343

War Qoraal ah oo kulankaas ka soo diray Xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gaadhay Xafiiska Aftahannews ee Muqdisho waxa uu u dhignaa sida tan:- “Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyaan XIldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo socdaal shaqo ku jooga dalka Uganda ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho sharafeed ku booqday hooyga uu ka degenyahay magaalada Kampala Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay markii uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed kusoo dhaweeyey gurigiisa ayaa yiri “runtii waxaa sharaf iyo farxad inoo ah inaan maanta gurigiisa kusoo booqanay Madaxweyne Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee Dalka oo Soomaaliya soo gaarsiiyey meesha aan ka qabanay, inaan soo booqano aniga iyo Xildhibaannadaba farxad ayey noo tahay, waxaanse Alle ka rajeynaynaa in anagana uusan howsha nagu ceebeyn oo halka aynu hiigsaneyno gaarsiino”

Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada ay ugu yimaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada waxaana uu xusay inuu horey u arki jirey mas’uul marka uu xilka ka dago la eedeeyo ama la af lagaadeeyo laakiinse ay tahay dhaqan cusub in Madax xil heysaa ay soo booqdaan mas’uul xukunka uga horeeyey taasina uu aad u bogaadinayo.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga tacsiyadeeyey Xildhibaannada Baarlamaanka weerarkii 24kii-May-2014 ay argigixisada Al-Shabaab kusoo qaadeen xarunta Baarlamaanka iyo ammaantii ay mudnaayeen Ciidammadii geesiyaasha ahaa ee weerarkaasi fashiliyey, sidoo kalena waxa uu aad u bogaadiyey qaabka ay u shaqeeyaan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya isagoo si gaar ahna u xusay guddoonka Baarlamaanka.

“Xilliyada adag waxey leeyihiin duruufahooda gaarka ah oo u baahan in howl laga qabto, waa Alle mahadiis in maanta ay noo jirto Dowlad rasmi ah oo shaqeysa, si gaar ah waxaan rabaa inaan u bogaadiyo howlaha Baarlamaanka oo aynu ognahay daruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan iyo shaqooyinka adag ee ay qabtaan,inta adgeysiga la badiyana guushu weey badaneysaa,waxaana la rabaa in umaddu ay ogaato danteedu iney ku jirto Dowladnimo”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Kampala u yimid casuumaad uu ka helay dhigiisa dalka Uganda waxaana uu ka mid ahaa gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Afrika ee iyagu lagu marti qaaday munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Uganda, halka Xildhibaannada wehliyey iyaguna ay dhammaantood xubno ka yihiin Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka waxaana Kampala uga socda siminaar aqoon kororsi ah. DHAMMAAD.”

aftahaninc@gmail.ccom

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.

You must be logged in to post a comment Login