Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo War Cusub ka Soo Saaray Sawirka isha iyo Waqtiga doorashada

Hargeysa (aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa daneeyayaasha doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada u ballanqaaday in doorashooyinku ay ku qabsoomi doonaan wakhtiga loo muddeeyey ee 13ka November sannadkan 2024-ka.

Guuddomiye Muuse Xasan Yuusuf, ayaa sheegay in doorashooyinku ay ku qabsoomidoonaan wakhtigii loo asteeyay, oo ah dhamaadka sannadkan.

“Koomiishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu u xaqiijinaya bulshada Somaliland iyo daneeyayaasha, in doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada qaranku ay ku qabsoomidoonaan wakhtigii loo qorsheeyay ee 13 November.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan 5 milyan oo dollar oo lacagtii doorashada ah, inta hadhayna ay xukuumada isla meel dhigeen sidii loo bixin lahaa, isaga oo sheegay in dhamaan shaqooyinku ay sifiican ugu socdaan.

Waxa uu Guddoomiyuhu xusay in Guddigu ay sameeyeen jadwal hawleed, isla markaana doorashada lagu gali doono nidaamka sawirka bu’da isha si loo gaadho daahfurnaan. Waxa uu inta ku daray in ay ballanqaadayaan in nidaamkaasi aanu doorashada saacad dib u dhigi doonin.

Gebogebadii, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinku waxa uu digniin u diray cidkasta oo faafisa warar aan rasmi ahayn oo ku saabsan hawlaha Koomiishanka, isaga oo sheegay in wararka rasmiga ah lagala socon karo keliya boggooda Facebook.