KAA IYO KAN! Qalinka: Muuse Jaambiir

MUUSE FAARAX JAAMBIIR
MUUSE FAARAX JAAMBIIR

KAA IYO KAN

Oday ma leediin? Arrin ma leeyay?
Wadaad ma leediin? Iimaan ma leeyay?
Suldaan ma leediin? Dhaqan ma leeyay?
Aqal ma leediin? Albaab ma leeyay?
Ardaa ma leediin? Asgogol ma leeyay?
Ubad ma leediin? Akhlaaq ma leeyiin?
Hablo ma leediin? Edeb ma leeyiin?
Falaas ma leediin? Fur ma leeday?
Magac ma leediin? Sharaf ma leeyay?
Xoolo ma leediin? Seko ma leeyiin?
Adhi ma leediin? Islaan ma leeyey?
Waran ma leediin? Rido ma leeyay?
Qori ma leediin? Rasaas ma leeyay?
Meded ma leediin? Muuq ma leeyay?
Run ma leediin? Ku dhac ma leeday?
Kaa ma leediin? Kan ma leeyay????

Adoomaha ilaahay buu ka mid ahaa. Dadka kale, waxay u yaqaaneen nin aan dhammayn, oo xiskiisu ku filayn. Laakiin, afkiisa waxa ka soo burqan jiray, casharo kuwa xiskooda qaba, nolosha wax ka barayey. Su’aalahaa labaaleyda ah, ayuu isu daba dhigi jiray cid kasta, balse, dhug umay yeelan jirin.

Alle haw naxariistee Goofadhe hadda ma joogo, waxse nool oo aan dhiman wax sheegiisii. Kuwii markuu noolaa fahmi waayey, ayaa tegistiisii kadib weli xusuusan midhkiisii. Intaa kor ku taxani, waa goosan yar oo ka mida su’aalihii uu waydiin jiray kuwa miyirkooda qaba. Laba kastaa isyeelashaday macne ku samaynayaan, iswaayistooduna la’aan bay tebinaysaa.

“Oday ma leediin? Haa. Arrin ma leeyey? Haa. Israacaasi, wuxuu tusmaynayaa in ooshu leeday arrin-jire ka ilmo dhali kara danta dadkiisa.

Oday ma leediin? Haa. “Arrin ma leeyay? Maya. Israac la’aantanna waxay ina leedahay; reerku, oday waa leeyay, laakiin, beeldaajiye ma laha. Laba kastaaba sidaasoo kale ayay wax iyo wax la’aan ugu kala dhacayaan. Iswaydii adba, haddaad ubad leeday, oo aanay akhlaaq lahayn, maxaad leeday?”

Haddaad, xoolo haysato oo aanad sekeda ka bixin, maxaad haysataa? Haddaad magac leeday, oo aanuu sharaf lahayn, maxaad leedahay? Haddaad, run tirsato oo aad sheegisteeda ka baqdo, maxaad tirsataa? Halkaa uun ka sii wad akhriste.

Allaa mahadle
Qalinka: Muuse Jaambiir
Xigasho: Cismaan Cawil