Somalia oo Golaha Ammaanka QM. u gudbisay Dacwad ka dhan ah Ethiopia

National vector fabric wave flags of Ethiopia and Somalia isolated on white background. 1 to 2 proportion.

New York (aftahannews):- Dawladda Soomaaliya ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah Itoo biya oo ay seegtay in ay ciidamadeedu si sharci-darro ah kusoo galeen dhulka SOomaaliya iyaga oo kasoo gudbay xuduudka.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo aan wax ogolaansho ah ka haysanin dawladda Soomaaliya ay si sharci-darro ah kusoo galeen dhulka Soomaaliya, waxaana isla hadalkan oo kale ay Soomaaliya ka sheegtay kulan ay Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ka yeesheen xaaladda ammaanka ee Soomaaliya.

Abuubakar Cusmaan oo ah safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa uu u gudbiyey Golaha Ammaanka cabasho ay dawladdiisu ka qabto Itoobiya oo uu xusay in ciidamo badan oo aan ahayn kuwa hawlgalka Nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ay toddobaadkan horraantiisii kasoo gelisay dhinaca xuduudka ay labada dal wadaagaan, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay xad-gudub iyo meel-ka-dhac ay Itoobiya kula kacday qarannimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidoo kalena ay jabisay shuruucda caalamiga ah.

“Ficillada ay samaynaynayaan ciidamada Itoobiya oo ay ku jiraan kuwo si sharci-darro ah uga soo gudbaya xuduudka, dalku waxa uu ku qasbanaanayaa inuu kordhiyo waqtigii loo qorsheeyey in ciidamada nabad-ilaalintu ka b axaan dalka.” ayuu yidhi Abuubakar.

Wasaaradaha difaaca iyo arrimaha dibedda Itoobiya midkoodna kama hadal arrintan, hase yeeshee waxa la xaqiijiyey in Jimcihii dhawayd ay Ciidammo Itoobiyaan ahi gaadheen magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana Ciidammada oo lagu qiyaasay dhawr kun oo Askari oo watay hub culus ay ka gudbeen xuduudka labada dal.

Dadka Deegaannada ay mareen qaarkood, ayaa Ciidammadaas ku tilmaamay in tiradoodu u dhaxayso 4,000 illaa 5,000 Askari. Kuwaas oo u sheegay madaxda Deegaanka Matabaan iyo kuwo kale In ay Argaggixiso deegaannadaa soo galay daba socdaan.

Waxaanay dib uga soo noqdeen gelinkii dambe ee Axaddii toddobaadkan oo ay ku soo noqdeen Xadka dhanka Itoobiya, markii Masuuliyiinta deegaannada ay mareen ee Soomaaliya u sheegeen inay dib isaga noqdaan deegaannadaasna aanay Argaggixiso joojin.