Markab Dagaal oo Ruushku leeyahay oo Soo Gaadhay Dalka Eritrea iyo Ujeeddadiisa

Eritrea (aftahannews):- Booqasho aan caadi ahayn, Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidammada Badda ee Ruushka, ayaa gaadhay Dekedda weyn ee Badda Cas ee Massawa ee dalka Eritrea, iyadoo ay gobolka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.

Markii uu markabka dagaalka ee Shaposhinkov khamiistii yimid Massawa, Madaxda Ciidammada Eritrea iyo saraakiisha ayaa qaabilay. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Ruushka ee Eritrea.

Sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Markabkan, ayaa ka mid ah Maraakiibta Ruushka ee mara Badweynta Pacific-ga.

“Wuxuu ku sugnaan doonaa dekeddaas muddo shan maalmood ah si loogu dabaaldego 30 sano oo xidhiidh diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Eritrea. ” sidaa Wasiir Yemane Gebremeskel ku qoray boggiisa X (Twitter-kii hore).

Ciidamo ka tirsan kuwa Badda ee Mareykanka, ayaa la geeyay Badda Cas  iyo gacanka Cadmeed si ay u ilaaliyaan Maraakiibta ganacsiga iyo kuwa Millateriga ee ku socdaalaya dariiqa ganacsi ee muhiimka u ah weerarada Xuutiyiinta.

Eritereeya ayaa indhaheeda ku arkaysay joogitaanka ciidamada reer galbeedka ee gobolka si xamaasad leh.

Xuuthiyiinta oo maamula Waqooyiga Yemen, ayaa weerarro ku qaada Maraakiibta mara Badda Cas, iyagoo ka jawaabaya dagaalka Qasa awgii. Dagaalyahannadu waa qayb ka mid ah ‘ dhidibka iska caabbinta’ ee ka dhanka ah Israa’iil.

Sidoo kale,  imashada Eritrea ee Markabkan dagaal ee Ruushka, ayaa ku soo beegmaya xilli uu dib u xumaaday xidhiidhka Ethiopia iyo Eritrea, kuwaas oo bilo ka hor mid weliba Ciidammo iyo Hub geeyey Xuduudka ay wadaagaan.