Wasiirka Dastuurka: “Dastuurka Soomaaliya La-hayst u ahaan maayo diidmada Puntland…”

Wasiirka dastuurka iyo caddaaladda xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax wadatashi ah oo ka maqan wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya aysan jirin.

Wasiirka, ayaa sheegay in ay dhammaatay doodda dib u eegista wax ka beddelka, haatanna loo gudbay in Baarlamaanku meel-mariyo dib u eegista lagu sameeyay Dastuurka, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo aan Soomaaliya hore uga dhicin.

Wasiir Xasan Macallin oo wax laga weydiiyay ka maqnaanshaha Puntland ee ka doodista Dastuurka, ayaa sheegay Puntland in ay bilowgii hore qeyb ka ahayd wadatashiga dib u eegista Dastuurka. Haseyeeshee, aanay macquul noqon karin in geeddi-socodka ummadda Soomaaliyeed la hayste u noqdo diidmada maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay, Puntland inay matalaad ku leedahay labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaasina ay yihiin, kuwa ku matalaya doodda Dastuurka ee haatan go’aan gaadhisteedu taagan yahay.

“Haddii xubin xubnaha ka mid ahi ay go’aansato inay ka maqnaato inay doorkeeda qaadato, xubintaasi Soomaalida inteeda kale iyo geeddi-socodkii oo dhan ma iyaduu Hostage (La hayste) u noqonayaa? Aniga taasi inay macquul tahay u malayn maayo,” ayuu yidhi Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin.

Wasiirku waxa uu sheegay, tallaabada kaliya ee Puntland ay xaq uleedahay in ay ahayd in loogu yeedho inay ka soo qeybgasho geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka, taasna ay dowladdu sameysay oo marar badan Puntland loogu yeedhay shirka golaha wadatashiga Qaran, balse ay diidday inay ka soo qaybgasho.

Hadalka Wasiirka Dastuurka Soomaaliya, ayaa imanaya, maalmo ka dib markii ay Xukuumadda maamulka Puntland sheegtay in in wax ka beddelka Dastuurku hadda yahay sharci-darro, isla markaana aanay aqoonsan doonin wax ka beddel kasta oo sharci-darro ah oo lagu sameeyo dastuurka.