Baanka Adduunka oo Dowladda Soomaaliya Digniin Culus u Diray

Muqdisho (aftahannews):- Baanka Adduunka, ayaa digniin culus u diray dowladda Soomaaliya, taasoo la xidhiidha dib u dhaca ku yimaadda soo gudbinta warbixinta Hanti-dhowrka ee mashaariicda uu Baanka Adduunku maalgeliyay.

Warbixinta oo ay ahayd in la soo gudbiyo Juun, 30, 2023, ayaan weli la soo gudbin, waxaanay arrintaan saamayn ku yeelan kartaa Mashaariicda cusub ee Baanka Adduunku uu ugu talogalay Soomaaliya.

“Sida aad la socotaan, xisaab-xidhka mashaariicda Bangiga Adduunka ee December 31, 2022, laga fulinayay dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, weli looma gudbin Bangiga.

Tani waxay keentay dib-u-dhac sagaal (9) bilood ah ka dib markii uu dhammaatay waqtigii loogu talagalay ee June 30, 2023, sida ku qeexan Heshiisyada Sharci ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.” sidaa ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Bangiga Adduunka.

Baanka Adduunku waxa uu warkiisa ku sheegay haddii xisaab-xidhka Xisaabaadka Mashaariicda Soomaaliya uu Baanku ku soo gaadhi waayo sagaal (9) bilood gudahooda laga bilaabo taariikhda loo qabtay, in Baanku uu qaadi doono tallaabooyinkan hoos ku xusan:-

“1: Masii socon doonaan mashaariicda World Bank.

2: Mashaariicdii la qorsheeyay lama bilaabi doono.

3: Joojinta deeqaha.

4: Dhammaan wada-xaajoodyada loo qorsheeyay Abriil 2024, ayaa dib loo dhigi doonaa..

5: Joojinta lacag bixinta.

6: Dhammaan maalgelinta iyo lacagaha loo qorsheeyay mashaariicda socda waa la hakinayaa.

7: Ciddii gacanta ku haysa mashaariicda socota iyo ciddii doonaysa inay dhaqaalahaas hesho waxay la kulmi doonaan shaqo joojin.”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda jira saddex mashruuc oo  sugaya ansixintooda bisha Abriil 2024, kuwaas oo uu maalgelin doono Bangiga Adduunka.

Bangiga Adduunku wuxuu ku wargeliyay dowladda Soomaaliya waqtigii sagaalka bilood (9) bilood ee loo qabtay inu ku egyahay March 31, 2024, si looga fogaado cawaaqib xumo kasta oo ku timaadda dib u dhac ku yimaadda xisaab-xidhka Mashaariicda Baanka Adduunka ee Soomaaliya laga fuliyey.

Digniinta Baanka Adduunka ee Somalia 2024
Digniinta Baanka Adduunka ee Somalia 2024