Fannaanadda Mss Xiis oo laga Sii daayey Xabsiga Jigjiga oo ay 24 Ku Xidhnayd

Jigjiga (aftahannews):- Fannaanadda caanka Mss Xiise oo 24 saacadood ku xidhnayd magaalada Jigjiga, ayaa la sii daayey maanta, laakiin waxa lagu beddelay oo xabsiga loo taxaabay Cawo Maxamed oo ah gabadh da’yar oo ay ciidamada Booliska Deegaanka Soomaalida ku eedeeyey in ay baraheeda bulshada soo dhigtay sawirka Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Fannaanadda Mss Xiis iyo Cawo ayaa labada la sheegay in ay sawirka Cabdi Maxamuud Cumar soo dhigteen baraha bulshada.

Horraantii toddobaadkan, ayaa waxa sidoo kale magaalada Qabridahare lagu xidhay gabdho la sheegay inay taageereen sii-deynta Cabdi Maxamuud Cumar.

Xukuumadda Madaxweyne Mustafe ayaa muddooyinkii dambe lagu eedaynayey inay samaysatay jeelal qarsoon oo ay ku xidhan yihiin boqollaal qof oo ehelkoodu ay la’yihiin meel la geeyey ama lagu xidhay.