Ceel Nebi Muxamed (CSWS) Timir ku Beeray oo Sucuudigu Xujayda u Furayo Sannadkan

Madinah (aftahannews):- Maamulka Sucuudiga ayaa dib u furay ceelka taariikhiga ah ee ‘Al-Faqiir’ ee ku yaal magaalada Madiina si loogu soo booqdo kadib dib u habayn dhammaystiran oo lagu sameeyay.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sucuudiga, goobtan taariikhiga ah ayaa jirta in ka badan 14 qarni. Waa daliil nool oo samafal iyo caawin isla markaana uu sameeyay Nabi Muxammad NNKH.

Ceelkan oo ku yaalla deegaanka Al-caaliya ee magaalada Madiina ayaa waxaa ku hareereysan beero aad u qurxoon iyo meelo kale oo taariikhi ah oo la xiriira noloshii Nebiga NNKH.

Waagii hore ayaa biyaha laga soo saari jiray ceelkan oo ballaciisu yahay saddex mitir iyadoo la adeegsan jiray aaladaha dhaqanka, balse markii dambe maamulka Sacuudiga ayaa ku rakibay matoorrada biyaha.

Hadda, maamulka iyo gacan ku haynta ceelkan ayaa waxa ay hoos imanayaan ‘Maamulka Horumarinta Gobolka ee Al-Madinah’. Biyaha ceelkan waxay si dabiici ah uga yimaadaan wabiga Wadi-e-Bathan.

Wakaalada wararka Sacuudiga ayaa sidoo kale baahisay sawirada goobtan taariikhiga ah ee dhawaan lagu sameeyay dib u dayactirka. Inta lagu guda jiro dayactirka goobtan ayaa waxaa ceelka iyo waddooyinka soo gala lagu rakibay dayr bir ah oo dhererkiisu yahay hal mitir.

Albaabka weyn ee wadada hormarta iyo marin biyoodyada halkan ayaa lagu xoojiyay dhagxaan culus. Intii la dayactirayay goobta ceelka waxaa mudnaanta ayaa la siiyay in la ilaaliyo qaabka asalka ah ee goobta iyo ceelkaba.

Geedo cusub oo timir ah ayaa lagu soo kordhiyey goobta sidoo kale dhismaha barxadda gudaha la saaray iyo kuraas dhagax ah oo la dhigay si ay ugu raaxaystaan dadka soo booqda.

Boorka macluumaadka ee iridda ceelka ayaa faahfaahin ka bixinaya taariikhda ceelka iyo xiriirka uu la leeyahay Nebi Muxamad NNKH.

Waxaa xusid mudan in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay bishii Oktoobar ee sanadkii 2022-kii bilaabeen mashruuc lagu qurxinayo ku dhawaad 100 goobood oo taariikhi ah iyo kuwo barakeysan oo ku yaalla Madiina oo uu ceelkan taariikhiga ah kujiro. Ku dhawaad 100 ka mid ah goobahan ayaa lagu wadaa in lagu dayactiro mashruucan oo socon doona muddo saddex sano ah, waxaana mashruucan la soo gabagabeyn doonaa sanadka 2025-ka.

Meelahaas waxaa ka mid ah meelo badan oo barakeysan oo ay ku jiraan masaajid iyo goobo kale.

Maxaa loogu bixiyay Ceelka Salmaan Faarisi?

Sida uu qabo cilmi-baare lagu magacaabo Waqar Mustafa, ereyga ‘Al-Faqiir’ waxa uu ka yimid ereyga Carabiga ee ‘Faqiir’, Faqiirna waa dhul loo qoday beerista timirta.

Waxaa la og yahay in ceelkan agtiisa uu ka shaqayn jiray Salmaan Farsi oo ahaa saxaabigii Nebiga NNKH. Nabigu waxa uu ceelkan agtiisa ku beeray geedo timireed oo badan, kuwaas oo dhammaan miro dhalay, geedahaasina ay ka soo baxeen wax ka badan intii la filayey sannadkii dambe.

Salmaan Farsi wuxuu ka tirsanaan jiray Faarisiintii Iran ka hor inta uusan islaamin. Waxaa buugaagta taariikhda laga og yahay in Salmaan Farsi uu markii hore ka tagay diintiisii hore oo uu qaatay diinta masiixiga. Markii uu aabbihii ogaaday, waxa lagu xiray guriga, balse waxa u suurta gashay in uu baxsado oo uu ka soo safray Shaam isagoo usoo socdaalay Mosul ooh adda ah (Ciraaq), halkaas oo uu uga sii gudbay Nusaybin ooh adda ah (Turkiga) ka dibna u aaday Amuuriya.

Xiligaas ayay ahayd markii safar ka tirsan qabiilka banuu Qalb ay soo mareen camuriya, salmaan farsi ayaa ku biiray safarkii, balse safarkii ayaa Salmaan Farsi looga iibiyay nin yahuudi ah oo ku sugnaa waadi al-Qura.

Markii uu la shaqaynayay Yahuudigan, waxa uu ogaaday martiqaadka Islaamka, wuuna aqbalay Islaamka, laakiin addoonsiga awgeed, ma uusan gudan karin waajibaad diineed, sidaas darteed ma uusan ka qayb qaadan karin dagaalkii Badar iyo dagaalkii Uxud.

Sida ku cad kitaabka shareecada islaamka, Salmaan waxa uu sidoo kale ka mid ahaa saxaabadii ugu dhawaa Nabiga. Waxa ay ahaayeen koox rumeysan kaliya cibaadada rabaaniga ah iyo wehelnimada Nebiga NNKH in ay tahay natiijada noloshooda.

Xigasho BBCSomali.com.