Maraykanka oo uga Digay Muwaaddiniintiisa Ammaanka Nairobi

Nairobi (aftahannews):- Safaaradda Mareykanka ee Kenya, ayaa soo saartay digniin dhanka ammaanka ah, iyadoo uga digtay Muwaaddiniinteeda ku nool magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya falal nabadgelyo-darro oo ka dhacaya xaafadaha ay deggan yihiin.

Sida lagu sheegay digniintan oo la soo dhigay Bogga Safaaradda waxaa ka mid ah dembiyada in la dhaco Boorsooyinka iyo Taleefannada gacanta.

Safaaraddu waxay u sheegtay Muwaaddiniinta Mareykanku in ay racaaan afar tallaabo si ay uga fogaadaan dembiyada ay la kulmi karaan.

Tallaabooyinka, waxa kale oo ka mid ah in ay ka taxadaraan deegaanka ay ku sugan yihiin ee gudaha magaalada Nairobi iyo dhaqdhaqaaqooda.

Sidoo kale, waxaa ku jira tallaabooyinka inaanay soo bandhigin wax calaamad ah oo muujinaya hantidooda sida xidhashada Dahabka, Saacadaha qaaliga aha in ay qaataan lacag badan.

Waxaa loo sheegay muwaadiniinta in aysan la dagaallamin marka ay burcada wajahaan ayna deganaan muujiyaan. 

“In laga horyimaaddo budhcaddu waxay keeneysaa dagaal.” Sidaa ayaa lagu yidhi digniinta Safaaradda Maraykanka.

Waxa kale oo Digniinta Sadaaradda loogu sheegay Dadka reer Maraykan ee Nairobi joogaa in ay xidhaan daaqadaha iyo albaabbada Gawaadhida ay wataan.