Weerar lagu Qaaday SYL Hotel oo Weli Socda iyo Khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (aftahannews):- Weerar Qaraxyo ismiidaamin iyo rasaas toos ah isugu jira,  ayaa caawa lagu qaaday Hotel SYL oo ka agdhaw madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo, ayaa sheegaya in gaadhi qarax lagu soo raray lagu beegsaday Hotel SYL, oo ah Hotel ammaankiisa aad loo ilaaliyo.

Qaraxyada ka dib rasaas xooggan, ayaa xigtay oo weli socota, iyaga oo Rag hubaysani gudaha u galay Huteelka, isla markaana ka dhex dagaallamaya gudaha Huteelka.

Hoteelka waxaa inta badan ku caweeya dad u badan masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cusmaan Yuusuf Xoosh oo katirsan xildhibaanada aqalka hoose ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay weerarkan, siday inoo xaqiiyeen ilo xog ogaal ah.

Xildhibaanka dhaawacmay ayaa kamid ah xildhibaanada lagasoo doortay  degaanada Puntland, waxay isaga iyo xildhibaano ku sugnaayeen gudaha hotelka marka ay qaraxyada dhacayeen.

Sidoo kale taliye ku xigeenka ciidanka Haramcad, Cabdixamiid Fanax ayaa la sheegay inuu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weeraka Hotel SYL. Waxa kale oo xoguhu sheegayaan in Weriyeyaasha ay ku jiraan ay sidoo kale Dadka ku dhaawacmay weerarka SYL. Dhimasho ayaa jirta, Inkasta oo aan la xaqiijin illaa hadda tirada Dhimasho iyo dhaawac ee weerarku sababay.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, Faysla Carraale oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban, ayaa sheegay in dhaawac kooban uu lugta kasoo gaadhay.

Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda, ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka caawa lagu qaaday Huteelka SYL ee magaalada Muqdisho, oo weli gudihiisa dagaalku ka socdo.