Somalia: Ciidanka Mareykanka oo Xubno Al-Shabaab ka tirsan Duqayn ku Dilay

Muqdisho (aftahannews):- Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM, ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen ururka Al-Shabaab, isla markaana ku dileen xubno Al-shabaab ka tirsan.
Taliska ayaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray in codsi ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya darteed ay qaadeen duqayn is-difaacid wadareed ah oo ka dhan ah Al-Shabaab bishan Maarso 10-keedii.
Taliska AFRICOM, ayaa sheegay in duqqayntaasi ay ka dhacday nawaaxiga Ugunji oo 71 km Koonfur-Galbeed kaga toosan magaalada Muqdisho.
AFRICOM waxa uu sheegay in qiimaynta hordhaca ahi ay muujinayso in duqyantan lagu dilay saddex ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana dad rayid ahi aanay waxba ku noqonnin.