Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Kordhiyay Cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya

New York (aftahannews):- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya illaa dhammaadka sannadkan 2023-ka.

Golaha Ammaanku waxay kordhinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ku ansixiyeen kulankoodii 9477th, 15kii Noofambar 2023.

Iyagoo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya, waxay Golaha Ammaanku go’aamiyeen in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka.

Golaha Ammaanka, ayaa sidoo kale cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la socodka cunaqabataynta Soomaaliya, ilaa iyo 31ka Diseembar 2023.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey golaha ammaanka uga codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo sheegtay in ay u baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Alshabaab.

Bishii January 1992-kii, ayey ahayd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu meel-mariyay Qaraar tirsigiisu yahay 733, kaasoo cunaqabataynta hubka lagu saaray Soomaaliya, ka dib markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya 1991-kii.